Dawladda Britain oo ku Hawlan Qorshe Lacagta Caydha ka Xanibaysa Ajaanib aan Ku Hadlin Luqada Ingiriisiga

London (SLpost)- Xukuumadda Ingiriiska ayaa ku hawlan qorshe soo-galootiga  aan ku hadlin luqada Ingriisiga ee dalkaas ku nool ay kaga joojinayso lacagaha caydha (welfare ) ee ay siiso, sida uu qeexayo xeer qabyo-qoraal ah oo khuseeya lacagaha lagu bixiyo turjumaada iyo codsiga lacagaha caydha ah, kaas oo meesha ka saaraya dhamaan luuqadihii kale ee dadka loo ogolaa oo dhan.

Qorshahan oo ujeeddadiisu tahay si loogu dhiirri-galliyo barashada luqadda Ingiriisiga ee dadka ku cusub dalkaas, xukuumadda reysal-wasare Cameroon waxa ay doonaysaa inay meesha ka saarto luqadihii ajaanibka ahaa ee warbixinaha codsiga lacagaha taageerada ah lagu dhagaysan jiray .

cameron-cleggRa’iisal wasaaraha wadankuna wuxuu sidoo kale rabaa in xafiisyada dowladdu ay ka baaqsadaan kharashaadka ku baxaya oo joojiyaan lacagihii ay siin jireen turjumaanada , iyadoo ay Waaxda shaqada iyo kharashka la siiyo dadka hawl-gabka ah  (Department for Work and Pensions (DWP) ay sanadkii ugu yaraan ku bixiso  £5 milyan ( Shan Milyan oo lacagta Ingiriiska ah ) kaliya u turjumaadda luuqadaha dadka cabashooyinka u gudbiya.

Tirakoob ay samaysay hay’adda Faafinta rasmiga ah ee Xogta, waxa lagu sheegay in sanadkii 2011 oo kaliya ay waaxdaasi isticmaashay 271,695 Turjumaan, kharashkoodana lagu bixiyay lacagta laga qaado cashuur bixiye-yaasha, taasi oo 3.5 million kamid ah lagu shubay xisaab-bangiyeedka shirkadda BIG Word oo ah shirkad qaabilsan adeegyada fasiraadda in ka badan 140 luqadood.

Natiijada ka soo baxday tirakoobkan waxa kale oo lagu xusay in cabashooyinka dadku soo gudbiyaan loo isticmaalay  22,000 oo jeer bil kasta turjumaanada dhinaca Telefoonka, halka dadka fool-ka-fool loola kulmayna laga isticmaalay 13,000 oo goor  sanadkii.

Tibaaxaha cabiradan  waxa cadeeyey xaqiiqo-nimadooda, xog-hayaha hayada shaqada iyo bisilka, Duncan Smith oo jariiradda Daily Mail u sheegay in qorshahan la meel marinayo todobaadkan, haseyeeshee warar laga helayo ilo-wareedyo madax-bannaan, ayaa sheegaya in meel-marinta qorshahan la hakiyay kadib markii uu ka hor yimid raysal-wasaare xigeenka Ingiriiska Nick Clegg.

Si kastaba ahaatee, qorshahan oo uu dabada ka riixayo hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka Raysal-wasaare David Cameroon, ayaa u muuqata mid ay ku kala aragti duwan tahay dawladda Wadaagga ah ee Ingiriisku, iyada oo ay muuqato in Raysal-wasaare ku-xigeenka Nick Clegg oo hoggaamiysa Xisbiga Liberal Democrats-ku uu qorshahan ka soo horjeedo, waxaanay arrintani u saamaxaysaa dadka soo-galootiga ah in ku-hadalka luuqadda Ingiriisigu aanay ka xannibayn lacagaha ay marka hore heli jireen.

SOMALILANDPOST.NET