Dawlada Yemen oo Sheegtay in ay Dileen Dagaalyahano Somaaliya oo ka Barbar dagaalamaayay Ururka Alqaacida ee Dalkaasi

Yeman (SLPOST) Dowladda Yemen ayaa sheegtay inay dishay dagaalyahano ka bar bar dagaalamayay Al-qaacidada Jaziiratul Carab, kuwaasoo ay ku jireen dhalinyaro Soomaali ah iyo kuwo Ajaaniib ah oo ka tagay Soomaaliya.

download (11)

Sida ay baahisay Wakaalada wararka ee dowladda Yemen SABA ayaa lagu sheegay howl gal ciidamada dowladda ay ka sameysay Gobolka Shabwa ee Koofurta dalkaas lagu dilay tiro dagaalyahano Soomaali ah oo taabacsan Al-Qaacida.

Saraakiil ka tirsan dowladda Yemen ayaa sheegay in ilaa 37 dagaalyahano u badan Soomaali iyo kuwa ajaaniib ee ka baxay Soomaaliya lagu dilay dagaalka.

Wargeyska 26 September ee ka soo baxa dalka Yemen oo soo xiganayay saraakiil ka tirsan Wasaarada Difaaca Yemen ayaa sheegay in inta badan dagaalyahanada lagu dilay dagaalkaas ay ka soo jeedaan Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Dhalinyaro fara badan oo Soomaali ah ayaa la rumeysan yahay inay ka bar bar dagaalamayaan Al-Qaacidada Jaziiratul Carab oo tiro dhowr jeer oo hore la sheegay inuu jiro xiriir dhow oo u dhaxeeya iyaga iyo Al-Shabaab.

 

 

 

Berbera :Shaqaale Boqol Ku Dhawaad ah Imtixaan Shaqo Ku Guuleestay

Hay’ada shaqalahaBoqol ku dhawaad qof ayaa magacyadooda la soo dhegejiyay oo ku  guulaystay Imtixaanka shaqaalaha loo qaadanayo Diwaan-gelinta Medeniga ah.

 

Liiska ka soo baxay Hay’adaha Shaqaalaha dawladda Xafiiskeeda Berbera ayaa lagu shaaciyay tirada guulaysteyaasha iyo kuwa waayay.

 

 

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland