Dawlada Ugandha oo soo bandhigtay magaca iyo sawir sarkaakiil ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u soo galay dalkaasi


Kampal (SLpost)-Dawladda Ugandha ayaa maanta soo bandhigtay Magaca iyo sawirka saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay dalkaasi.

Ciidamada Booliska Ugandha ee ku sugan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ayaa la sheegay in heegan buuxa la geliyey ka dib markii laamaha sirdoonka dalkaas ay shaaciyeen sawirka iyo magaca sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ay xuseen inuu gudaha u soo galay dalkaas.

Saraakiisha laamaha sirdoonka gudaha ee dalka Ugandha ayaa intaa ku daray in sarkaalka ka tirsan Al-shabaab ee dalkooda soo galay uu yahay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Al-Saalax uuna damacsan yahay inuu gudaha dalkaas ka fuliyo qaraxyo iyo weeraro lagu laayo shacabka dalkaas.Waxay intaa ku dareen saraakiisha sirdoonka dalka Ugandha in sarkaalkan ay la socdeen rag kale oo ka tirsan Al-shabaab kuwasoo ku sugan xadka ay wadaagaan dalalka Ugandha Kenya, hase ahaatee qorsheynaya iney dalkaas gudaha u soo galaan si ay falal kharbudaad ah uga sameeyaan.

Ka dib markii uu soo baxay warkaas ayaa waxaa heegan buuxa la geliyey ciidanka Booliska dalkaas oo ninkaas sawirkiisa meel walba ku dhejiyey, dadweynaha dalkaasna ku war geliyey iney inay soo sheegaan haddii ay arkaan.Sidoo kale ciidamada Booliska dalka Ugandha ayaa baadhitaano ka bilaabay wadooyinka ku yaala magaaloyinka dalkaas oo ay ku jirto magaalada caasimada ah ee Kambala, iyagoo baadhaya gaadiidka wejiyadoodana eegaya dadka saaran baabuurta baadhitaanka xoogan lagu hayo.

SOMALILAND POST.NET

HARGEYSA/SOMALILAND