Dawlada Uganda oo qiratay in kooxaha Kenya weerara dalkeeda sii maraan

Uganda (SLPOST) Taliyaha booliska wadanka Uganda Jen Kale Kayihura ayaa laga soo xigtay inuu xubno ka tirsan sirdoonka dalkiisa uu u sheegay in kooxdii sanadkii hore weerartay suuqa West gate ee Magaalada Nairobi ay dalka kenya ka galeen dhanka xaduuda dalka Uganda sida uu yidhi.

Kayihura-

Jen Kale Kayihura waxaa uu sheegay inay ogaadeen in kooxdi geysatay weerarkiii West gate bishii September ay markii hore galeen dalka Uganda kadibna ayaga oo gaadiid wata ay ka gudbeen xadka laba dal u dhaxeysa waxaana uu intaa ku daray in Uganda ay suurto gal tahay in koox weerar maleegeysay ay sii mareen.

“Xogta aynu heyno waxay sheegaysaa in ragii Al-Shabab ka tirsanaa ee weeraray Nairobi bishii September ay dalka Uganda yimaadeen kadibna ay halkaan Nairobi uga sii gudbeen tani waxay keenaysaa inay jirto halis ah in Al-Shabab badan oo weeraro argagixiso maagan ay dalkeena sii maraan” ayuu yidhi Jen Kale Kayihura taliyaha booliska dalka Uganda.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay inay sidoo kale heleen warar sheegaya in kooxaha weerarada ka geysta dalka Kenya ay wado ka dhigtaan dalka Uganda taasoo xataa halis ku ah amaanka dalka Uganda.

Sidoo kale afhayeen dawlada Uganda u hadlay oo la yiraahdo Ofwono Opondo, ayaa sheegay in imika xukuumadda Kampala ay wado qorshe ah inay si gaar ah u illaaliso xaduudaheeda lana hubin doono shaqsiyaadka ka gudbaya xadka ay Kenya la wadaagaan.

Dawlada Uganda iyo Kenya waxay ka mid yihiin dawlada Africa ee Soomaaliya kula dagaalama Xarakadda Al-Shabab.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland