Dawlada Somalia Oo Sheegtay Inuu Fashilmay Heshiiska Ay Xukuumadda Somaliland La Gashay DP World

Hargeysa  (SL.Post) Dawlada Somaliya,  ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashey heshiiska ay xukuumada Somaliand dhawaan la soo gashey shirkada Dp World oo ay ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland .

 

IMG_D999FF-3B984D-3371BA-A33A7E-1A4269-2C784D

 

 

 

 

 

 

 

 

Dawlada Somaliya ayaa waxaa ay heshiiskaasi ku tilmaamtey mid sharci daro ah isla markaana waxaa ay banaanka soo dhigtay xogo ay sheegtay in dawlada Somaliland ka qarisay shacbigeeda oo ku saabsan saamiyada ay kala qaadanayaan dawlada Somaliland iyo shirkada Dp World .

 

 

Hanti -dhawraha guud ee dawlada Somaliya Nuur Faarax oo maanta u waramey laanta afka Somaaaliga ee idaacada VOA ayaa waxaa uu sheegay in dawlada Somaliland ay saamiga dekada Berbera ay qaadan doonto boqalkiiba Todoban 10 % halka ay shirkada Dp World ay qaadan doonto boqolkiiba sagaashan 90%

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa