Dawlada Kenya oo sheegtay in Somaalida Aan Shirciga lahayn ay ku Celin doonto Somaaliya

Kenya(SLPOST)Xukuumadda Kenya ayaa billaabaysa manta ilaa bari inay dib ugu soo celiso Soomaaliya in ka badan 80-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu qab-qabtay howlgalladii tan iyo toddobaadkii hore ka socda magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

images (1)

Dadkan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo aan haysan dhalashada dalka Kenya, lana go’aamiyay in Soomaaliya lagu celiyo, waxaana dadkan ay isugu jiraan, rag, dumar, carruur iyo waayeel, kuwaasoo ku xirxiran xabsiyada magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Keynyatta ayaa ku heshiiyay in dadka sharciga leh ee lagu qabtay howlgallada laga sii daayo xabsiyada, kuwa aan sharciga lahaynna dib loogu celiyo Somalia.

Booliiska dalka Kenya ayaa magaalada Niarobi ka billaabay howlgallo ay si gaar ah ugu bartilmaameedsanayaan Soomaalida ku nool xaafadda Islii, inkastoo booliisku ay iska fogeeyeen eedeyntaas ayna sheegeen in howlgalladu ay yihiin kuwo gabi ahaan Nairobi ka socda.

Dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika ayaa sheegay in dadka dib loogu soo celinayo Soomaaliya ay yihiin kuwo iyagu doortay in lagu celiyo dalkooda Soomaaliya, balse aysan ahayn kuwo la qasbayo.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku boorriyay Soomalaida Nairob ku nool inay kala shaqeeyaan dowladda dalka ay ku nool yihiin sidii amniga loo adkeyn lahaa, loogana hortegi lahaa kuwa qaraxyada geysanaya.

Xukuumadda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay Qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool ay ku celinayso Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis taas kula gashay dowladda federaalka Soomaaliya, balse celinta ay tahay mid qofku uu iskii u dooranayo.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland