Dawlad Dalkeeda Marti ku ah

 

 

Xukuumadda  Kulmiye  Dhalay  ee  maanta  Taladda  Dalka  haysa  sanadkii   lixaad,  waxay  kula  wareegtay sideed Sananood  oo  ay  Mucaarid  ahayd,  Shacabkana  u sheegaysay  in  Wadanka  Shufto  an  u  naxay  Gacanta  u galay  waa ( Xukuumadii  Rayeele),  Waxay  habeen  iyo maalinba  dadka  u  sheegi  jireen in ay  doonayaan  Somaliland  Sharcigu  Shaqeeyo  oo  cadaalad  iyo  Sinaan  lagu  nool yahay,  waxay  shacabka  u  sheegi  jireen  in ay  doonayaan  Somaliland  Xoriyaddu  shaqayso  oo  an dadka  la iska  xidhi  xidhi  bilaa  Danbi,   waxay  dadka  u  sheegi  jireen  in  ka    shaqaysiin  donaan  Golayaasha  Qaranka  sida  Wakiiladda  iyo  Guurtidda, waxay  dadka  u  sheegi  jireen in ay  bad  baadinayaan  hadinta  umadda  ee  La  xaraashay,  waxay  umadda  u  sheegi  jireen
in ay  wadanka  ka  badbadinayaan  Kootadda  cid  kaara  ah  loogu  xidhay  adeegyo  gaar  ah  sida  (MAXJARKA  BEREBERA) iyo  (Hamaha  Shidaalka  ee  TOTAL), waxay  umadda  u  sheegi  jireen in  Dimiquraadiyadi  la  dhawacay,  waxay  umadda  u  sheegi  jireen  in  Ictiraafkii  laga  seexday  oo  hanta ururki  lagu mashquulay,  waxay  umadda  u  sheegi  jireen  in ay  wadanka  haystaan  cid  an  ka  naxay  shacabka  danyarta  ah  ee  haraadka  iyo Shaqa la’aantu  isku  darmatay iyo Waxyaabo  oo  an  qoraal  kaliya  malin  lagu  soo  koobi  Karin.

Af  iyo  Uur  an  wada  socon

Iyaddoo   Kulmiye iyo  Hogaankoodi  Waa  (madaxweyne  Silaanyo)  sidaa  ku  hanteen quluubta  umadda  8 sano  ay  ku  shubayeen  shacabka  reer  Somaliland  ayaa  malintii  ay  Xukunka  qabteenba  waxay  la  soo  baxeen  waji  kale  oo  an  kii  lagu  yaqanay  ahayn,  waxayna  markiiba  la  soo  baxday  xeelad  cusub   waxayna  biloowday nadaamyo  kakan oo  an  hore  looga  baran  xukumadii  ay  8  sano  cayayeen  Dhawacna  u  gaystay  wadanka  iyo  wada  jirka  umadda  intaba, waxaana  ka  mida    Dhaxal  wareejinta  dhamaan  wixii  Umadda  ka  dhexeeyay  sida :

  • In  Madaxweynuhu  si  cad  Barlamaanka  hortiisa  uga  sheego  in ay  Iibinayaan  dhamaan  Hantidda  umadda  ka  dhexaysa  ee  danta  guud  loo  yaqaan, wax  sabab  ahna  an  sheegin
  • Dhamaan  Hantida  la  Iibiyay  meelna  kumaynu  maqal halka  ay  kaga  jirto  Misaniyadda  Dawladda
  • In  dhamaan  heshiisyadda   lala  galo  Shiradaha   Calamiga  ah  iyo  kuwa  Maxaliga  ahba  an  Barlamaanka  la  soo  Marin  si cadna  u  diidan  in ay  kenaaan  Golaha  Wakiiladda
  • Wakaaladii  Wadooyinka  oo  kolba  Nin  Cusub Hadyad  looga  dhigo  laguna  wareejiyo  hadana   marayso  wasaradii  sedexaad
  • In  Saxafadda  la  iska  xidho  bilaa maxkamad lana    baabiyo Wargaysyadda  qaarkood  sida  HAATUF
  • In  Shirkado  Kooto  Loogu  xidho  adeegyo  gaar  ah  sida (SOMCABLE) oo  20  sano  loo  xidhay  KHADKA VIBER OPTIC GA  ee  Internet ka
  • In  Hamihii  Shidaalka  ee  TOTAL  laga  qaaday  SHirkado  gaar  ah  la  siiyo  iyadda  oo  xata  ay barlamaanku  diiden  cod  aqlabiyadda  in  la  wareejiyo
  • In  dhamaan  Qandaraasyadda  Qaranka  Cid  gaar  ah  lagu  naas  Nuujiyo iyada  oo  an  la  soo  marin  Hay’ada  QANDARAASYADDA  QARANKA
  • Guryaha  Dawladda  oo  la  siiyo  cid  gaar  ah  inta ka  baaqsatay  Iibka
  • Xoriyad  qawlka  oo  la baabiyay,  lagana  hor  istaago  in  dareenkooda  cabiraan  shacabka  iyo  Siyaasiyiintuba  in badan oo  kamidana  Xabsi  u  galeen  Fikirkooda  oo  ay  cabireen
  • Doorashooyinkii  oo  wadanka  ka  dhici  wayay  xiligii  loogu  talo  galay  mudo  korodhsina  la  samaystay  tii  ay  shalay  ka  qaylinayeen    la  mid  ah
  • Ictiraafkii ay  ku  balan  qadeen  mudo  gaaban in  ay ku  keeni  karaan  oo  an  haabkiisaba  lahayn
  • Xidhiidhkii  Dawladaha  Jaarka  ah  iyo  aduunka  kaleba  oo  meeh  aad  u  hoosaysa  gaadhay
  • Qabyaaladii  oo  Faraha  ka  baxday
  • Qarabakiil  iyo  Qof  jeclaysiga  oo  fahara  ka    baxay
  • Cid  an  la  dooran  oo  xukunkii  la  wareegtay
  • Jabhado  Wadanka  ka  abuurmay  sida  KHAATUMO  iyo  Suldaan  Wabar
  • Shaqo la’aantii  oo faraha  ka  abxday
  • Tahriibtii  oo  sedex jibaarantay
  • Cadalad  Daro  iyo  Sinaan  la’aan  dhanka  Siyaasadda, ganacsiga iyo  Bulshadaba  ah
  • Sixir  barar  faraha  ka  baxay
  • Amaan  Xumo
  • Sumcadda  Wadanka  oo  Hoos  u  dhacday
  • Tayadda  Waxbarashada  oo  hoos  u  dhacday iyo in badan oo  kale  oo  an  qoraal  lagu  soo  koobi  Karin.
  • Dekaddii  iyo  madaradii  oo  hada  la  wareejinaayo iyaga  oo  ah  intii ugu  danbaysay  Hantidda    Qaranku  leeyahay.

 

Hadaba  madaama  dhulkii  iyo hantidii  Dawlad   wax  la  Iibiyay  iyo  wax  cid  lasiiyay  noqdeen  miyayna  hada  dawladu  Marti  ku  ahayn   wadankeedda  ?   hadii  manta  Mashariic    aduunku  inagu  caawiyo  sida:

  • Cusbiyaalo
  • Guro  danyarta  loo  dhiso
  • Iskuulo
  • Xarumo  Police
  • Xananooyinka  Hooyadda  iyo  Dhalaanka
  • Magtabaddo
  • Masaajido  iyo

Wixii  la  mida  manta  meel inoo  fayoow  oo  ay   Xukuumaddu  ugu talo  gashay  ma  jirto  meel   kasta  wadanka  cid  gaar  ah  baa  la  siiyay   dawladina  wadankeedi  ayay  marti  ku  noqotay  oo  hadii  MCH  oo  bahdo  waa  in cid  kaga  soo  baryaa  ama  cida  mashruuca  bixinaysa  lagu yadhahdaa  dhulkana  noo  Iibiya  aanu  ka  dhisayno  MCH  ka,  hada  maxay tahay  waxa  dadka  ka  dhexeeya  ee  an  haysanaa  manta    wadankiba  wuxuu  isku  bedelay    wax  cid  gaar  ahi  ledahay  oo  dantii guud    meesha  ka  baxday  sidaana  wadan  laguma  noqon karo,  waxaan  u bahanahay  in  la  badbaadiyo  hantida  umaddu  wada leyahay inta  ka  nool  kuwa  shacir  darada  lagu qatayna  laga  dabatago baadhis  cilmiyaysana  lagu  sameeyo si  loo  helo  wax  wadanku  leeyahay,  shacabkuna  wada  ilashadaan  Hantida  Guud.

 

Wa bilaahi  tawfiiq.

 

By Maxamed Cali

Email:  maxamed1191@hotmail.com