Dawlad Baydhay

Cabdisalaan Yaasiin

Dawlad baydhay bohol bay ku dhacdaa. Dawladdii Somaliland way baydhay oo bohol dhaadheer ayay ku dhacday.

Saddexdii waaxood (Sharcidejinta, Garsoorka, iyo Fulinta) ee ahayd in ay kala soocnaadaan, oo is dheeli tiraan, oo midba mid ilaaliyo, way isku milmeen. Waxaana meeshii ka baxay macnihii, milgihii, iyo maamuuskii dawladnimo.

Dawladda Somaliland bohosha dheer ee ay ku dhacday waxa ku riday waaxda fulinta ee inta badan loogu yeedho madaxtooyada.

Sida distoorada dawladaha nidaamkeena oo kale qaata dhigayaan, waxay ahayd in sharcidejinta iyo garsoorku ka ilaaliyo fulinta in ay awoodda dadku doorashada ku siiyeen qafaalato oo sidii ay doonto u adeegsato.

Ma se dhicin; ee madaxweynha Somaliland awoodda amaanada ah ee dadku doorashada ugu dhiibeen sidii uu isagu doono ayuu u adeegsaday isaga oo aan xeerarka dalka ee lagu doortay taxgelin kuna dhaqmin. Taasina waa dawlad baydhay. Waa kelidii talisnimo.

Kelidii talisnimadaa waxa tusaale u ah sidii uu ka yeelay sharcigii baarlamaanku ku joojiyeen wareejinta haamaha. Go’aankii sharcidejinta kuma joogsan ee wuu ka badhay oo baalmaray. Go’aan isga ka soo baxayna wuu ku fuliyay.Dhaqankaasina waa dhaqan baydhay. Waa dawladnimo baydhay.

Waxa kale oo ka mid ah amarkii uu amray wasiirada xukuumadda, oo Xisbiga Kulmiye ka mid ah, in ay taageeraan tartamaha murashaxa madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye gudihiisa ee isagu doonayo, kaas oo ah Muuse Biixi Cabdi, oo aanay tageerin saddexddii murashax ee kale midna. Taasina waa talo baydhay.

Waxa kale oo ka mid ah amarkii uu siiyay wasiirada iyo madaxda shaqaalaha dawladda ee uu 2 Diisambar shiriyay. Kuwaas oo is xog waraysi ka dib, uu amar ku siiyay in murashaxa uu gacantiisa ku soo saaray, oo ah Muuse Biixi Cabdi, ay dhisaan.

Haddii wasiirada ama shaqaalaha dawladdu Muuse Biixi dhiswaayaan, maxaa dhacaya?

Su’aashaa oo qof waloo shaqaale ahi hoos isweydiinayo, jawaabteedu waxay weeye: hadaanad sidaa lagu amaray yeelin shaqadaa lagaa eryayaa. Taasina waa dawlad bariiqatay oo boholii shuyuucigii bakhtiyay ku dhacday!

 

Balankeenuna bulshow wuxu yahay, intaanay bakhtiyin, ka saar bohoshoo, ha badbaadee, bisinka u qabo.

mediaonkod@gmail.com