Dawlad 18 Wasaaradood Ka Kooban, Tayo Badan, Manfac Keen Ah Oo Barnaamijkii Xisbigana Fulisa Oo Dal Iyo Dad La Gu Najaxo – W/Q: Mohamed Hagi Mohamoud

Mohamed Hagi MohamoudBeelaha Somaliland dawladnimada waxa ku matela hay’aadka qaran ee la doorto – sida golayaasha deegaannada, wakiillada iyo guurtida – ninba inta uu nasiib dad iyo deegaan ka siiyo. Laakiin marnaba golaha xukuumaddu ma aha, ma na noqdo gole saami-qaybsi u faruuryo xidhan.

Xukuumadi waa xil iyo eed – danta la ga leeyahay na waa in ay ummadda heshiishka bulsho dawladnimada ku dul yagleelatay xukun iyo maarayn qarannimo caddaaladi waddo ugu adeegto. Xukuumad waxa la ga rabaa qarannimo taam ah oo amni, iyo horumar dhaqaale dhisid ah.

Sidaa darteed, Madaxweynaha la doortay waxa aan talo hore ugu siiyey haddii uu guuleysto in uu soo dhiso xukuumad tiro yar oo tayo fiican – si loo helo dawladnimo adag iyo qaran taabbo-gal ah oo bixiya adeeg bulsho- abuurana jawi nabad-gelyo oo horumar halbeeg u yahay – eex, musuq iyo nin jeclaysina ka durugsan oo dayro ka dhigaya .

Waxa Madaxweynaha la doortay maanta la gudboon in aannu u fahmin golaha xukuumadda uu soo dhisi doona hab saami-qaybsi ah ee uu u fahmo dariiq dawladnimo oo badbaado qaran ah. Waxa aan u soo jeedinayaa in uu Muuse maanta taladan kooban dawladnimadiisa ku dhiso.

Xukuumad ka kooban 18 wasaaradood oo leh 18 wasiir iyo 12 wasiir ku-xigeen. Golaha 30 ka wasiir iyo wasiir-xigeen ka koobani shardi iyo shuruud xulistooda ha loo ga dhigo daacadnimo, dal jacayl, karti iyo aqoon buuxda oo samo-kaab dal dhis ah dhabarka ku haysa. Haddii ay ka maarsan waydo in nidaam beeleed la gu lifaaqo – Madaxweynaha waxa aan u soo jeedin lahaa in uu sida tan yeelo: –

ISAAQ SII TOBAN WASIIR IYO SHAN WASIIR KU-XIGEEN;

  1. Garxajis saddex wasiir iyo hal wasiir ku-xigeen.
  2. Habar-Jeclo saddex wasiir iyo hal wasiir ku-xigeen.
  3. Awal hal wasiir iyo labo wasiir ku-xigeen.
  4. Arab hal wasiir iyo hal wasiir ku-xigeen.
  5. Ayuub hal wasiir.
  6. Tol-jecle hal wasiir.

SAMAROON SII SADDEX WASIIR IYO HAL WASIIR KU-XIGEEN.

HARTI SII SADDEX WASIIR IYO SADDEX WASIIR KU-XIGEEN

  1. Dhulbahante labo wasiir iyo labo wasiir ku-xigeen.
  2. Warsangeli hal wasiir iyo hal wasiir ku-xigeen.

CIISE SII HAL WASIIR.

GABOOYE SII HAL WASIIR.

FIQI-SHINNI HAL WASIIR KU-XIGEEN IYO SARKAAL DAWLADEED.

LABO WASIIR KU-XIGEEN OO KAYD AH NA SAMEE SI WIXII BAYLAH AH EE AAD ARAGTO AMMA ILDUUF CABASHO AH AAD UGU DABOOSHO. INTAA WAXA KU DHAN DAWLAD TIRO YAR OO TAYO AAD U SARREYSANA AAD U RAACISO.

FIIRO GAAR AH; DAWLADNIMADU MA AHA XILAL LA DHEEFSADO EE WAA MASHRUUC QARAN OO UMMADI KU SAMATABAXDO. WASIIRNIMO NA DAWLADNIMO KUMA IDLA EE WAA AY KA BALLAADHAN TAHAY KUN JEER.

Madaxweyne calool adayg oo soo dhis dawlad tayo badan, tiro yar oo fulisa barnaamijkii aynnu ballanqaadnay si uu dalku dhaqaale ahaan ku kobco, amnigiisuna u taabbo-galo – adiguna aad taariikhda meel wanaagsan uga gashid in yar ayaa la noolaan doonaa eh.

Mohamed Hagi Mohamoud