DARYEELE IYO DHIBQALOOC – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Nin socdaal ah ayaa waxa uu ku soo baxay nin ku foorara il biyo ah. Ninkii isha biyaha ku foororay, oo la yidhaa Daryeele, ayuu ku soo dhowaad. Wuxu arkay in uu Daryeele eegayo dipqalooc. Dibqaloocii ayaa xagii isha biyaha u dhaqaaqay oo damacay in uu dhinaca kale biyaha ugua talaabo. Markuu biyihii dhexgalay ayuu haftay oo ku dhowaaday in uu dhinto.

Intii aanu dhiman, ayaa Daryeele biyihii gacanta geliyay oo ka soosaary dibqaloocii.  Isaga oo si naxariis leh u hayo  oo aayar dhulka dhigaya, ayaa dibqalooci qaniinay Daryeele. Inta uu qaniinaydii u adkaystay ayuu dibqaloocii ayaar dhulka dhigay.

Dibqaloocii hadana mar kale ayuu biyihii daf yidhi. Daryeelena intaanu hafan ayuu ka soo saaray biyihii. Hadana isaga oo si naxariis leh dhulka u dhigaya ayuu qaniinay. Daryeele hadana qaniinyadii waa adkaystay. Dibqalooci hadan biyihii ayuu galay. Daryeelena waa ka soosaary;  dibqalooci hadana waa qaniinay.

Markii dhowr jeer sidaasi dhacday, ninkii socotada ahaan daawanayo arrintin la yaabka leh ee uu la kulmay, ayuu ku yidhi Daryeele, “Waar maxaad dibqalooca qaniinyadiisa ugu adkaysanaysaa, maad iska sii daysid ha ku hafto biyaha eh?”

Wuxu Daryeele ugu jawaabay, “Sidaa aad aragto si aan ahayn ma yeeli karayo.”

“Waayo?” Ayuu ku celiyay ninkii socotada ahaa, “Maxaa kugu raray bahalkan markaad badbaadisoba ku qaniinaya?”

“Danta ayaa sidaa ku jirta.” Ayuu yidhi Daryeele.

“Oo waa maxay dantaasi?” Ayuu u celiyay ninkii socotada ahaa.

“Dantaasi waxa weeye, anigu haddii aan Daryeele ahay, dabeecadayda iyo doorkaygu waa in aan wax badbaadiyo. Dibqaloocana dabacadiisa iyo doorkiisu waa in uu waxa qaniin.” Ayuu ku jawaabay Daryeele.

Prof. Cabdisalaam Yaasiin

prof.abdisalaam@gmail.com