Daryeel Xumada Hooyooyinku Kala Kulmaan Xarumaha Caafimaadka Iyo Hirdanka Madaxda Dalka

 

 

Waxa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya khatarta caafimaad ee ay la kulmaan xiliga dhalmada Haweenka Somaliland ee ku umula Cisbataalada kala duwan iyo goobaha xanaanooyinka loo yaqaano ee guud ahaan dalka, gaar ahaan kuwa magaalada Hargeysa.

muddo dhawr maalmood ah oo aan hawshan ku dabo joogay waxa aan la kulmay dhacdooyin badan oo runtii ah wax laga xumaado sababta oo ah waxa aan ku arkay qaar ka mida Cisbataalada Hooyooyinka qaliimada loo sameeyo oo aan xiliga umusha helayn adeegyadii ay u baahnaayeen, sida  Dhakhtar khibrad leh, qalabkii ku habboonaa qaliinka loo samaynayo iyo daawooyinka oo aad u liita, waxana intaa u dheer Irbada lagu suuxiyo Hooyooyinkaas oo aan ahayn midi loogu tallo galay in loo isticmaalo taas oo dhibaatada ugu weyn ku keenta haweenka lagu mudo.

Marka ugu horaysa ee laguu sheego inay Hooyada aad wadataa tahay qaliin waxa khasab ah inaad miiska saarto lacag ka badan mida laga qaado marka ay caadiga u umulayso lacagtaas oo dhan 400 ilaa 300$ oo Dollar.

Qaar ka mida Hooyooyinka qaliinada loo sameeyo ayaa ku geeriyooda Tiyaatarka hawshu ka socoto ka dib marka ilmaha laga soo saaro, waxana dadka la socday ee banaanka ku sugaayay warkeeda u soo baxa dhakhtarka hawsha waday ama kuwa la shaqaynaayay ee Hooyada qaliinka u samaynaayay, waxana ay u sheegaan ehelka iyo qoyska inay geeriyootay Hooyadii umulaysay, halkaas ayaana lagu ilaawaa oo su’aal dambe layskama waydiiyo sababta dhabta ah ee ay u dhimatay Hooyaddu balse waxa goobta ka qaata qoyskeeda oo sidaa ku aasta.

halka Hooyooyinka qaarna ay dirqi ku badbaadaan oo Alle  maalin kale u dhigto kuwo kalena la daalaa dhacayaan dhibaatooyin ay kala kulmeen qaliinkii loo sameeyey xiligii umusha, waxaana ka mida dhibaatooyinkaas.

Kalyaha oo fadhiista

Dhalmada oo ka guurta

Xaydka oo khal-khal ka gala

xanuuno macdanta iyo dhabarka ah iyo goobta qaliinku kaga dhacay oo mararka qaar xanuunta.

Haddaba, waxa ay isweydiintu madaxda Somaliland ka  og yihiin daryeel la’aanta goobaha caafimaadka ee maalin walba gabadh hooyo ahi  ugu dhimanayso adeeg xumada,halka qaar kalena kala kulmaan xanuuno iyo dhaawacyo aan ka hadhayn inta ay nool yihiin. muxuuse shacabku kala socdaa mashaakilka haysta Hooyooyinka.

Runtii aad baan uga xumahay in ay su’aashan jawaabteedu tahay waxba lagama oga dhammaan dhibaatooyinka aan ka hadlayo, balse waxa xaqiiqo ah inaanay cidina waxba ka ogayn Hooyada maalin kasta ku dhibaataysan ama ku dhimanayso goobaha caafimaadka ee magaalada Hargeysa, halka ay madaxda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadubu  ku foogan yihiin indhahooda iyo caqligooduna u jeedo ee ay maalin walba ku mashquulsan yihiin hadal haynta siyaasada iyo hebelada danahooda isku haysta ee aan ishoodu qaban daryeel la’aanta caafimaad ee Hooyooyinka.

Sagal Cabdiraxmaan Maxamuud

Sagalphilibiin@gmail.com

0634126298 Hargeysa Somaliland