Daryeel Xumada Darbi jiifta iyo Dadka Dhimirka waax ka Qaba Haysa iyo Wasiiro Xukumadda Siillanyo Ah Oo Saacado (7000 $ Dollar) Xidhan

Darbi jiifkaWaxa Todobaad ka hor madaarka Hargeysa lagu xidhay laaba ka mid ah Shaqaalaha ka hawl gala qalabka Amaanka ee lagu baadho dadka ka dhoofaya kana soo degaya madaarka Hargeysa kadib markii Kamaradaha ku xidhan qaybta dadka lagu baadho soo saareen mid ka mid ah shaqaalaha Madaarka oo qaadanaya saacadda ($7000 Dollar ) ah oo wakhtigaas Wasiirka Waaxbarshada iyo Taaclinta Sare Saamsam Cabdi Aadan, ku iloowday mid ka mid ah sanaaduuqda yar yar ee la dul dhigto qalabka biraha ah marka dadka la baadhayo.

Saacada laga xaday Wasiirka oo ah mid qaaliya marka loo Eego Somaliland waxa la xaday mar uu wasiirku madaarka u tagay qalab u saarnayd mid ka mid ah Duulimaadyada madaarka imanayay wakhtigaas oo ahayd Casar, waxaanay wararku sheegayaan in marka hore la iloobay balse marka danbe uu ka faa’iidaystay mid ka mid ah shaqaaluhu.

Wasiirka oo mar danbe ogaatay maqnaanshaha saacada ayaa la sheegay in ay goobta ku soo noqotay si ay u baadi doonto, taasoo kaliftay in dib loo soo celiyo Kamaradaha ku qarsoon goobta dadka lagu baadho, kuwaas oo markiiba soo bandhigay qof saacadda ka qaadaya caaga qalabka la dul dhigto oo yaalay Miiska dhinacaiisa dadweynuhu ku hagaajistaan marka ay soo dhaafaan Kombuyuutarka.

Labada shaqaalaha ah ee la xidhay mid ka mid ahi waa ka ay kamaradu soo saartay isagoo jeebka sii gashanaya, halka ka kale la sheegay in uu yahay kii markaas Kombuyuutarka dul fadhiyay ee ku hawl galayay, waxaana labadaba lagu eedeeyay in ay ka masuuol ahaayeen falka dhacay.

Ilaa hada sida ay Ilo wareedyo u dhuun daloola warkani Xaaqijiyen lama helin saacadii oo way maqan tahay, hase yeeshee ilaa maalintaas ilaa maanta oo noqonaysa Toddobad  waxa ay u xidhan yihiin labadaas shaqaalaha ahi Kiiskaas Waaxana la Hor keenay Maaxkamada Gobolka Hargeysa oo  wada Dhageysiga Dacwadaasi.

Haddaba Iyado Dhacdoyinka Noocan Ahi iyo Wasiirada Isticmaalaya Misaaniyada Inta leeg ee Qaranka

Aaya indhahaga waaxa ay Qabanayan Caruur Darbi Jiif ah iyo Dad Dhimirka Waax Ka Qaba oo Daryeel Xuumo ka Muuqato Taas oo aay Sabaab u Tahay in aay Hawshoodi Gaben Wassaradihi Khuseyey sida Wassarada

Caafimadka iyo Wassarada Aarrimaha Bulshadu Xili Aay Xukuumada Siillanyo Sheegato Inaay Waax Badan Oo Waaxqabad ah ay Samaysay iyado ay soo if baxayaan Dhacdooyinka Koor Aaynu ku Xusnay.

Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)

Cabdiraxiim9909@gmail.com

Hargaysa/ Somaliland