Daruurihii Madoobaa ee Wasaaradda Duulistu Waxay Dul Hoganayaan Daarta Madaxtooyada

 

Sida uu yahay dabciga ama sunaha siyaasadeed, qof kasta oo loo igmado inuu u adeego bulshada wuxuu noqdaa laba mid uun taas oo ah inuu ka dhaxlo magac iyo maamuus iyo inuu ka dhaxlo buug madaw oo taariikhda ma dhaaftada ah laga dheehdo. Masuulkani wuxu safka hore kaga jiraa siyaasiyiinta taariikhda maguuraanka ah kaa jira bogga madaw ee lagu xasuusto eex, caddaalad daro iyo musuq aan loo aabo yeelin.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhawaan loo magacaabay inuu noqdo wasiirka wasaaradda madaxtooyada wuxuu ahaa nin hore ugu soo jiray masraxa siyaasada oo aan ku cusbayn. Marka laga yimaado wakhtigii kala guurka ahaa ee burco ka ahaa maayirka ka arrimaya muddo dabadeed wuxuu noqday xubin golaha wakiilada ah, taas oo muddo markii uu ku jiray muujiyay hayb nacayb iyo is muujin ay weheliso ha lagu barto , inta badan waxa lagu xasuustaa inuu isku soo saaray hal haysyo beelaysan iyo mucaaridad xoogan oo ujeedada ka dambaysaa ahayd ha lagu barto , taas oo madaxweynihii wakhtigaas ee Cigaal (AHN) uu ugu wan qalay magaca usaam’e, haddiiba uu xaalkiisu halkaas marayo isla markaana uu Maxamuud Xaashi ahaa shakhis shacaa’irta islaamka iyo diintuba ka muuqato isu badalay in uu ka galgasho magacaas cusub ee isla markaan wuxuu meeshaba ka saaray wax alliyo wixii shacaa’ir islaami ahayd ee ka muuqan jirtay.

Lixdaa gu’ iyo gasiirkaa Madaxweye Siilaanyo xukunka dalka hayay  xukunka Maxamuud Xaashi wuxuu ahaa wasiirada aanay taaban seeftu isla markaana leh awoodaha dheeraadka ah ee xigtonimo, hannaankiisa shaqo  waxa bulshada soomaalilaand ku tilmaantaa in uu si khaldan u maamulay deeqdii kuweyd ee madaarada lagu hor marinayay taas oo aanay is lahayn cadadka uu wasiirku sheego in lagu dhisay iyo qaabka loo dhisay.

Waxa kale oo maxamuud Xaashi lagu xantaa inuu yahay wasiir u badheedhay gacsiyo uu lugta kula jiro oo uu ka dhex fushaday wasaarada uu maamuli jiray kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin Kharashaka madaarka ku dhex jira, baarkinka baabuurta iyo shirkada duulimaadyada ee FLY Dubai.

Inta badan wasiir Xaashi waxa lagu sheegaa inuu yahay shakhsi ku xun balanta iyo qiimeynta bulshada, waxa inta badan dul hogata inuu yahay nin amaan jecel oo ku cadaadiya dadka ay wada shaqeeyaan inay amaanaan iska daa meel kale ee xataa marka aanay shaqada ku jirin ama mareegahooga ay gaarka u isticmaalaan inay ku amaanaan.

Daruurihii musuqa iyo xoolo boobka qaranka ku astaysanaa maanta wuxuu galay qasrigii, talada laga daryniyoo ee sida xeedhada la wadaagana waxay gashay gacantiisa. Madaama madaxweyne Silaanyo tacabadani ka muqdo oo aanu tahli karin maamulka maalinlaha ee qaranka.  qasrigii qaranka looga arrimanayay ee markiisii horeba heedadawga ahaa hadduu sii go’ay mar hadduu Maxamuudkii daruuraha madoobi dul hoganayeenba hogaanka u qabtay.

Maxamed Sidiiq

Msadiiq1@gmail.com