Dareennada Ka Dhashay Maxaabiis Laga dhoofiyey iyo kuwo Ka soo degay Garoonka diyaaradaha Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxa maanta ka duullay 14 Maxbuus oo u dhashay maamul-goboleedka Puntland, kuwaas oo lagu soo qabtay dagaaladii TUKARAQ. Sidoo kale, Waxa garoonka ka soo dagay 3 Maxbuus oo ka yimi dhinaca maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Hay’adda ICRC ayaa qaabilsanayn kala wareejinta maxaabiista. Balse waxa dareen ka dhashay Qaabka Loo kala anba-bixiyey Maxaabiista laba dhinac iyo Hab-maamuska Sooryadoodu la sii raaciyey oo kala shishleyd.