DAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANO KA DIB1 – Ahmed Arwo

[W]axay ahayd socdaal ku bilabmay shakhsi ku biirtay hawl qaran kuna socda mid xisbi iyo xukuumad. Waa socdaal taariiki ii ah, mid aan ku soo laabtay dal aan 20 sano ka maqnaa bal se aan ku qaatay nolashayda muddo ka badan intaan dugsiga sare iyo jaamacadaha ku qaatay. Waxaan joogay Jubail oon ahaa Agaasimaha Maaliyadda shirkadda ARRAZI oo ka tirsan shirkadaha SABIC, shirkadda ugu weyn dalka Sacuudiga iyo Bariga Dhexeba.
Soomalidu waxay tidhaahdaa maahmaah hadda aan liqsanay bal se macnaheedu yahay, nin meel tegey oon ka soo waramini waa nin aan jirin, waxaan isku dayi inaan war buuxa idinka siiyo dalkan aynu wax badan wadaagno, loona baahan yahay inaan xidhiidhkeena hagaajino oo ayunu ka hawl galno. Gaar ahaan waa waajib saran jaaliyadda iyo xukuumadda.
Waxaan arkay isbedel weyn dad iyo dalba. Raggaan wada shaqayn jirnay badi waxay noqdeen duul ganacsi gaar ah iyo hawlo madaxbanaan u kacay, kolka caruurtoodu ay buuxiyeen kaalintii shaqo ee ay ka baxeen. Dabcan waa Sacuudiyiinta cidda aan ka hadlayaa, waayo ajnabi horey uga huleeleen. Waxa ii cadaatay guusha laga gaadhay hadafkii laga lahaa SABIC oon raad weyn ku leeyahay ka midho dhalinta hadafka shaqaalaynta Sacuudiga iyo tababarkooda si ay u bedelaan ajnabiga. ARRAZI waxay noqotay intaan joogayba hormoodka Saudiyeynta ( Sacwada amba Saudisation). Kumaan bakheylin iyana wey igu sharfeyn inaan tababar u fidiyo dhalinyaro u hamuumeysa aqoon iyo xil, bal se leh ixtiraam iyo qadarin. Waa rag aan ku faano anna ilaa imika I qadariya.
Kalamaan kulmin waxaan wanaag iyo kheyr ahayn. Dad abaalkaan u galay qadariya oo qiimeeya. Haddaba dareenkeygu manta waxuu noqday mid qiiro iyo xusuus wacan igu reebay. Dal dhismahu aanu ilaa muddadaas kala gu’in bal se uu sii kordhay oo xawli kii hore ka weyn ku socda. Degmooyin xusub hadda ma aha xaafado ayaa ku kordhay dhammaan magaalooyinka dalka ha ahaato Jidda, Riyaad, Dammaam, Khobar iyo Jubail. Mid aan garanaysaa ma jirto. Gurigaan ku noolaa muddo toban sano ka badan waan garan waayey xataa markii ley hor joojiyey. Dhirtii oo weynaatay, jidadkii oo buuxsamay, suuqo iyo moolal casri ah, magacyo caalami ah…waa Mac Donald, KFC, Subway, Costa, Fridays, Steak House, IWM..hadda waa Jubail tan aan ka hadlayaa ee ma aha magaalooyinkii weynaa.. kuwa Carabta iska dhaaf. Maqaaxiyihii mandiga ee iska xaal asturka ahaa kaal arag dhismayaasha ay ku jiraan waa qasaro boqolaal qof si fadhi ah oo goono gooni ah u qaabilaaya.
Waxbaa cajiib ah. Sida ay u qorxoonyihiin, sida cuntadu u macaantay, sida ay u nooc badantay, iyo sida ay u jabantay. Meel dunida ka cunta jaban weli maan arag. Waa cun oo cun oo jeebku kuma dhibo. Sideedey u naaxeen, anna miisaan weyn ayaa I fuulay! Nimco weliba nusqaanteed. Xunuunada macaanka iyo dhiig karku waa caadi. Waana mid salka ku haya habka nolasha meesha taal.
Waxaan dareemey dal dhaqaale xad dhaaf ihi u kordhay. Baabuurtu waa wada cusayb, waxana qaalibka la wataa waa jeep nooc kasta ah Japan, Maraykan iyo Yurub nooc nooc ah. Guri kasta waxa ku xerooda amba kolkay meel u waayeen ag jog 5 ilaa 15 gaadhi..waa nadir wiil 16 jir ah oon gaadhi cusub loo iibinini..qaarbaa ay wataan 12 jiro…Soomalida jinsiyadda haysataa waa Sucuudi dhab ah dhaqan iyo dhaqaaleba. Dhalinta najaxday waa wado diktoor iyo injineer hablahu ha u bataane dhinaca dhakhtarka. Dabcan waxa jira sida meel kataba dad tartanka ku hadhay amba nasiibkoodu xumaaday. Waa adduunyo oo meel kasta ha la kalo batee waxa jirta darajo mujtamaca kala saarta. Waana sida Alle adduunka ugu talo galay.
   Wiilashu iyagaa baabuurta gooni u leh, reerkana xil kama saarna. Waxa la adeegsadaa darawalo, oo guryaha qaar ilaa shan darawal oo ajanebi ah ayaa jooga. Midku waa darejada ugu hooseysa. Waayo habalhu badi waa wax shaqo haya oo u baahan cid kaxeysa amba waa duul dukaameysi ku mashquulsan iyo xaflado. Khadimadu sidoo kale waa min laba ila maansha Alle. Jinsi kasta waa joogaan, beryahan se waxa la soo dhoweeye Afrikaanka ooy u badan yihiin Itoobiyaan, Kenyaan iyo Eriteriya. Waa yaabe waxa la yidh Soomalidu waa Carab, Carabtana looma quudhaayo khaadimnimada. Sharciyan waa mamnuuc in hablo Carbeed laga dhigo khaadimado.! Sababtu iimey cuntamin..
Guryahu waa laba dabaq oo 4 fadhi ugu yartay, xamaamada tiro ma leh, masaaxadda qololku waa double iyo siyaade, albaabadu waa seddex albaab xajamkoodu oo yurub ah..ma laha albaabada Yurub mabey soo mari karayn!.Kuraastu meel kasta waa loo nacay qaarbaan sida loo soo iibiyey aan lagu fadhiisan!
Dalka waxa ku soo laabtay Yementii wallow ay lumiyeen iqaamadii furnayd, waxa se kordhay si xad dhaaf ah Baakistanta iyo Masaarida, Afgaanku ma yara, oo weliba waxaad yabaysa sida ay mihnadii Yamanta ee ahayd madcamyada yaryar ee beerka, iyo fuulka lagu iibin jiray ula wareegeen…kaalay arag sida Afgaanigu ula qabsaday. Sidoo kale ayaa dawaarlayaashi raga iyo dumarkuba u yihiin reer Aasiya.
Jidadka ballaadhkooda iyo dhererkooda iyo tooskooda dunida meel kale lagu sheegimaayo…waxaad arkeysaa jid 8 haad ah oo toos ah ilaa 30 km oo magaalo dhex maraaya oon meelna ka qaloocnayn.
Ishaaradaha waxa lagu rakibay saacad tirineysa inta second ee amba casaanka kaaga hadhsan amba cagarka, si aad u diyaar garowdo ooy hadho siqi ay hore u sameyn jireen. Waxa meelhaas ku gabanaya gaadhi sawir qaada ah amba kamaraa ku rakiban  oo hab socodka ilaalineysa. cidii dhaaftana isla saacado gudaheed u soo dirta gaanaax ku soo dhaca mobileka ruuxa gaadhigu ku qoran yahay. Taasi waxay keentay sinaan aan hore u jirin. Waxa la waayey amiiradii iyo raggii cuscuslaa een askarigu ganaaxi karayn. Waxa maalinkasta gaanax ku dhacaa amiiro iyo rag wasiiro iyo madax kale ah. Waa sinaan ay keentay aqoonta iyo tiknoolijiyadu.
Waxaynu geli doonaa aqoonta iyo siday u bedeshay nolasha dadka Sacauudiga oo aynu ku soo qaadan doono maqaal kale. Aan idhaahdo nolashu ma wada aha macaan ee kol walba waxa jira qadhaadh, waxa se dalkani u badan yahay dhanka macaanka.
Axmed Xasan Carwo