Dareenka Ku Xeeran Mashruuca Dib U Eegista Manhajka Waxbarashada Somaliland Iyo Musuqa Miisaaniyaddii Loogu Talo Galay!‏

wasiirka-beeraha-somaliland-geedooleMashruuca dib u eegista manhajka Somaliland ee uu ku baxayo adduun 3 million oo dollar oo ay hayda UNESCO IYO AET iska kaashanayaan ee beri ka furmaya caasimada Hargeisa ayaa la sheegayaa in uu  wasiirka waxbarashadu ka leexiyaan majirihii iyo qorshihii loogu talo galay.

Mashruucan oo loogu talo galay in uu socdo wajigiisa koowaad muddo saddex bilooda ayaa lagu soo koobay in uu socdo muddo bil ah. Si uu hantida u lunsado ayuu sidoo kale wuxuu madax ugu dhigay nin ay isku raas yihiiin. Horena waxa loo ogaa in keensaday xisaabiye cusub si aan dhinaca lacagta looga marin.

Wasiirkan ayaa inta lagu sheegaa in uu jeebka ku shubto mashaariicda horomarineed intii uu joogay wasaaradii beeraha balse uu ku samaystay guryo iyo beeraba intaba.

Tirade shaqaalaha oo loogu talo galay in ay ka qayb qaataan 120 macalin iyo khuburo ayaa lagu soo koobay 60 shaqaale ah.

Sidoo kale lacagta loogu tala galay in ay qaataan maalintii $100 ayaa lagu soo koobay $30. Lama garanayo hanta lunsigan uu u badheedhayo wasiirku.

Waxa ahayd isla bishan markii lacagtii macalimiinta dugsiyada dhexe la siin jiray markay tobabar qaadanayaan in ay helaan oo isagu ku shubtay jeebkiisa.

ALLA MAHADLEH……..

W/Q: W/Q: Mahamed Faarax Cilmi