Dareen Jaceyl: Qiso dhab ah oo ka dhacday Magaalada Berbera (Q.1aad) – W/Q: Daahir Carraale

Sheekadani waa dhacdo  ka bilaabantay magaalada Xeebta ah ee Berbera bilowgii 2003 kuna soo geba-gebowday magaalada Bristol Sanadkii 2010, waxaanay dhex martay wiil iyo gabadh ku kulmay magaalo madaxda G/Saaxil ee Berbera wakhti aad u macaan oo wiilku fasax ku joogay Somaliland.  Nasiibdarose waxaa u suurto gelin waayay inay wakhatigaasi si wacan uga faa’idaystaan, mustaqbal fiicana oo ay dhawrayeena waxaa carqalad ku noqday waqtiga oo aad u adkaa awgiis.

Hadaba lamaanahan oo uu kala fogeeyay waqtiga xaqa ahaa oo iswaayey ayaa dib loogu soo dabaalay , balse ka-dib nasiibku u furay xidhiidhkoodii markale sanadkii 2006, Aduun hawl lagma waayo, jacaylna xaasid ma-waayoo horaa loo yidhi, markale ay dib ugu kulmeen magaalada Dubai ee wadanka imaraadka carabta , isla-markaana waxaa ka taagnaa arimo aan hore wadankii ugu arki jirin oo lagu tilmaami karaya in ay ka mid ahayaan dhaqan kale umada ku dhacay, iyo sharciyada qurbaha oo adag. 

Hadaba sheekadan oo ah mid aad xiisayn doontaan soona martay marxalado badan waxaan idin leeyahay akhris wanaagsan. 

 Qaybta Kowaad

Bishu waa April, maalintu waa Arbaca roobkii gu,guna maalmo ka hor ayuu curtay xareedii uu is- daba -dhigayna waxay wadhantahay dhulka biyo fadhiisinka ah ee magaalada dhexdeeda , onkodka iyo ufada roobka maalintaa la filayayna waxaa laga dareemayey dhanka waqooyi bari ee magaalada.  Qofkasta oo muraad u baxayey galabtaasi waxa uu isweydiinaya inuu mahiiganka soo socda ka gaadhi doono ,halka uu u socdo iyo inuu ka jirsado oo uu sugo inta uu dhaafayo, Nuur oo ka mid ahaa dadkaasi ayaa isagu ku calool adeygay inuu baxo, inkasta oo aanu u socon meel aan ka dheereyn gurigii uu degnaa lakiin, Awowgii Cali iyo Saxiibkii Axmed oo ay balansanayeen ayaa sugaayey.

Haddii aduunyadow raaxo leedahay oo lagu waaraayo Rasullkeenii udgoonaa naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee ayaa loo daynlahaa.

Nuur waa ka booday sariirtii waxaanu u soo diyaar garoobay inuu baxo, markii uu ka soo baxay Hotel Madiina oo ku yaalay faras-magaalaha ,Berbera oo bilicdii ay lahaan jirtay ay aad u sii toban laabantay raxmada da’aysay, xareed udgoon oo saafiya oo aan wax wasakh ah oo ay sidataa jirin , madaama oo uu maalmihii la soo dhaafay oo dhan roobku iska soo daba da’ayay ayaa qulqulaysay hareeraha wadada dheer ee ka soo dhaadhacda dugsiga h/dhexe saaxil.

Waxaad moodaysay inay dadku ku balameen in la diyaar garoobo marka dhibica roobku joogsadana la soo dareero , sida ka muuqatay dariiqa uu dhexdiisa dad badan oo bilicsan buuxiyay ,hareerihiisana xareedi qulqulayso, waa lays dhex socdaa oday macawis abu-sarande ah iyo go’a shaala ah ku giijisan, wiil surwaal biigado dhaadheer iyo kaba cadcad biyaha ka dhawranaaya, gabdho duruuc kala midabo gedisan ka urursanaaya daadka.  Bilicda u wacnayd ee loowada qushuucay ee qofkastaa jaleecay waxay ahayd golcas wac ka soo tidhi galbeedka iyo Bariga magaalada isna riixaysay, fad mahiigaan oo ka sii onkodayey koonfur galbeed, muuqaalkaasi oo ahaa mid aan si-kooban loo qeexi karin ,kaasi oo qofkii inuu suugani ku jirtay aanu afka ka haysan karayn inuu kalmad ama laba ka yidhaahdo moyaane.

nuur ayaa waxuu ku soo horeeyey saaxiibkii axmed oo ugu tegay xafiiskiisa , isla markiiba axmed waxuu u sheegay inay israacayaan oo ay tagayaan Dukaan ku yaala meel aan sidaa ugu fogayn halkii ay joogeen, markii ay dukaankii ay yimadeen ayaa waxuu baray Axmed , Gabadhii Meherada joogtay nuur, barasho caadiya una sheegay inuu yahay inan ay ilmaadeer yihiin , “inankani waxaa la yidhahdaa Nuur ,inantuna ifraax Barasho wanaagsan” , ka dib Caano Geel ayey ka cabeen meheraddii,  iyadoo Axmed yahay nin caana oo la garanayo,una sheegay in ay lacagta u soo diraan cid, hadhow uu ugu soo dhiibo.

Axmed ayaa inanta kaftan wadaag lahayeen ,lakiin Nuur  indhaha iyo miyirkiisu waxay ku maqnaayeen oo aan ka warqabin Axmed , halka uu la-haystay ayaa markaliya ka soo wada jeestay quruxdii dabiiciga ahayd ee ka saraysay kuna soo jeestay nuur.

Waxa ay lahayd midab biyaha dahabka sidooda ah, joog bay lahayd, jirkeedu dhexda buu u yaraa ,dhinacyada kore iyo hoosena u yara weynaa si qiyaasan, waxa uu  ka samri waayay bushimo aad u qurxoon oo uu dareemay….waxaa aad cajiib u ahaa indhaheeda buur buuran iyo suniyaasheeda bil dhalatay oo kale u qornaaa…

Sidoo kale Ifraah oo ahayd gabadha sheekadu ku socoto hadaan idinkaga waramo waxa ay ahayd gabadh aad iyo aad qurux eebe u dhameeyey ,qof dherer meel dhaxaad,waji dabacsan markay dhoola cadaysana cidwalba ka-daba dhoola cadaynayso, timo aan ahayn jeegada oo fikatay macnaha timo aad u dhaadheer ayay lahayd,qof casaan u dhalatayna way ahayd oo aan wax chemical ah ismarin(dawada la isku cadeeyo) qof aad u da yar,xigmadna lagu tiriyo, iyo qof waxa ay ahayd shakhsi kasta oo magaladaa ku nool mid ka warhaysa

  Wuu yara dareemay in la hayo oo hadalkii ka yeedhay ayaa cadayn u noqday inuu ku maqnaa inanta ay la joogeen, geesinimo ayuu iska baadhay isaga oo khajilaad yarin ka muuqato waxaanu abaaray oo isbaray inantii “Axmed saxiibkaaa nuur barasho wanaagsan anigana Ifraah barasho wanaagsan.  Axmed oo hadalka ka soo dul- lalinaya Nuur ayaa intaanu muuqii Ifrah aan ka iman, Nuur waxuu dareemay isla-markiiba dabayl martay ,sidii Boodharigii laga sheekayn jiray ee qacdaba laga raacay , ha noqon iyo waaban isu baqayaa ayuu Naftiisa  weydiiyey Nuur. 

jacaylkii qays dilee
cilmina shalaw kala dhacee
abwaanadu sheegayeen
shakibaa bari igaga jiray
inuu yahay shay jiree
hadaan shabaqa ugaloo
siduu yahay shaash le aar
baqiyo shuush igu ridoo
shidada aan qabo dartaa
hurdada uga shaacayee
shucuubtay diyo niyada
shookaanta adow hayee
shucaacii nuurayaay
qalbiga waad shaafidee
mawada sheekaysanaa

 Maalin kale  ayuu Nuur isku dayey inuu keligii Ifraah is arkaan , si uu waqti ugu helo inuu la sheekaysto, una biyo dhaco danta uu ka leeyahay,meel aad u durugsan ayuu fadhiistay ,isagoo moodaya dadku meesha fadhiyaa inay ogyihiin waxaa u socdo ,lakiin Ifrah way u timi waxaa u sheegay inay u keento Caano geela intii ay soo socotay ayuu aad uga helay ,isagoo hadana ka qajilaya lakiin waxooga sheeko ayey u ogolaatay ,isagoo Nuur la kaftamay inay aad isugu eeg-yihiin Gabadh kale oo ay isku socod tihiin.

Kaftan kooban iyo sheeko gaaban markii lays dhaafsaday ayaa mashquul noqotay Ifrah, maalintaas waxay Nuur u noqotay inuu guul gaadhay madaama uu la hadlay tii ay ka qabsatay.

Intaasi markay kala gaadhay ayaa Nuur waxuu tagaa muraado kale oo uu ka lahaa Hargeysa , lakiin kama maqnadee isla markiiba waxuu yimadaa  xeebtii Berbera , halkaasi oo ay ku nooshahay Ifrah , si ay indhihiisu u arkaan inta uu joogo, dadka ma jecla in ay ogadaan , in uu Ifrah  jecelyahay si aan loogu dacayadayn ,hadana Asxaabta kale ay  kulmeen ayaa badi aad u amaana inanta isagoo aad ugu raaxaysa , Ka sheekaynta iyo  warbixinta wanaagsan ee ifrah laga bixiyo, Waa  inan wanaagsan oo edaab leh, ma baxdo , meel aan gurigooda ahayn ma tagto, saxiibkii Axmed ayaa amaanta u badnaa ,isla-markaana aad uga sheekaynjirey.

Adigaa dareenka iyo dookhaygu ku racoo, dumar waad u sidataa, ….Kuma daynkarayee,..Quruxdii dunidani ,

quruxdii dunidani……adigaa I deeqoo, dadka kuugu jecelahoyoo, kugu diirsadayoo… ku daawadaaye,, quruxdii dunidani .

N.B:- Qofkii Jaceyl dhab ah qof kale u qaaday ayaa dareemi karaa xanuunka uu leeyahay …

 

La soco qaybta 2aad…Meherad ka soo horjeeday Halka ay Ifraax ku noolayd , ayuu jeclaa inuu fadhiisto ,waxaa la fadhiisan jirey saxiibkiis Cabdi dheere oo ay saxiib hore oo hargeysa ku ahayeen, oo isaguna aad u jeclaa inuu la fadhiisto lakiin nuur wuu u bogi jirey waayo isagu muhiimadiisu waxay ahayd ifrah inuu arko muuqeeda oo waxkasta kaga qaalisanaa…………………………Q.2aad…..

 

Qalinkii, Daahir Caraale Calanle.

Berbera, Somaliland