Dareen-celinta Wasiirrada Maaliyadda iyo Waxbarashada Somaliland ee Doorka Xaaji CabdiKareem – W/Q: Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane C/Casiis Maxamed Samaale iyo Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa ka mid ah hal-doorka aan toyday aragtidooda iyo inta ay ka ayaan sooyaalka Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe).

Mudane C/Casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamahiiriyadda Somaliland oo ka warramaya aqoonta uu u leeyahay Xaaji Cabdi Kariin Xuseen oo ku magac dheer Xaaji Cabdi (Waraabe), waxaanu ku bilaabay sidan:

“Run ahaantii Xaaji Cabdi Xuseen oo ku magac dheer Xaaji Cabdi (Waraabe), anigu waan kala xishoodaa magaca Waraabe. Waa odayga maanta ugu da’a weyn dadka maanta ka taliya Somaliland. Waa nin qiima weyn kuleh dadkan iyo dadkan, waa halyay hadal aqoona, waa suugaanyahan taariikhyahan ah oo hoggaanka iyo taariikhda dalka qayb weyn ka soo qaatay, muddo aad u dheerna ku soo jiray nabadaynta iyo isku soo dhawaynta, heshiisiinta iyo wax la mid ah.

Siciid Maxamuud
Siciid Maxamuud

Xaaji Cabdi Xuseen waa nin laab ballaadhan taariikh mug lehna haya. Waa nin mahadhooyin reeba, oo xaaladaha adag iyo duruufaha dalka ku yimaadda garteeda iyo isku soo dhawaynteeda shaqsi kaga aqoon badani aanu jirin weeyi. Waa nin run ahaantii saalax ah waa nin taariikh wanaagsan leh. Bina aadamka qofka dadka wanaaggooda iyo isku soo dhawayntooda ka shaqeeyaa wuu ka qaalisanyahay dadka intooda kale. Xaaji  Cabdi Xuseen Illaahay cimrigiisa ha dheereeyo jannadiisana Illaaahay ha geeyo isaga iyo innagaba. Runtii maalmo adag oo taariikheed ayaan xaajiga uga soo joogay goobo badanoo taariikheed oo hadalladii uu ka yidhi kuwii ugu qiimaha badan ay ahaayeen ayaan u soo joogay.

Xilliyada ay ugu adagtahay ama ay ugu dhibta badantahay ee cid furdaamisa ama cid xal keenta la la’yahay ashkhaasta fara ku tiriska ah ee xalka helayay ee wanaagga helayay ee isku soo jiidista iyo midhaha wanaagsan ka dhalinayay ayuu ahaa yahayna. Waxaana xasuustaa dhacdooyinkii intaan joogay Golaha Wakiillada markii shir guddoonka la dooranayay, xukuumadda iyo golaha wakiillada markii doorashada la galayay isku dhac aad u weyn ayaa runtii yaalay Xaaji Cabdi dadka ka odayeeyay ee doorka ka qaatay ee wixii khaldanaa sheegidooda isku soo jiididii golaha iyo xukuumadda iyo ka midha dhalintiiba dadka laf-dhabarta u ahaa ayuu ahaa. Maaha mid maaha laba boqolLaal iyo kumanaan ayay ka badan tahay.

Xaaji inta uu noolyahay taariikh layaableh oo aad u qiima badan oo isku soo jiidida dadka heshiisiinta qabaa’ilka ashkhaasta, asxaabta xukuumadda iyo xisbiyada mucaaraka intaba. Nin ku tafaruqay oo is odho karto tolow haddii shahaadado la bixinayo shahaadadaha ugu sarreeya ee ta digtoornimada iyo baroffesornimada oo mid, laba iyo tobanba ka badan ayaa lagu siin lahaa waddamada caalamka.

Aqoontu sideedaba maaha midda lagu dhigto iskuullada oo keliya ee waa waayo-aragnimo, tii ugu sarraysay ee waayo-aragnimada ayuu leeyahay Illaahay muddo dheer ayuu Xaajiga nolol siiyey. Muddada dheerna runtii wuxuu ahaa nin ku soo jiray xaalado, talo iyo hoggaan. Markaa cimrigiisa dheer waxa u weheliya cibaado dheer iyo isagoo ah ruux ummadda samaanteeda ka hawlgala.

Xaaji Cabdi Xuseen runtii waa shakhsiyad aan aad u jecelahay. Waa ruux aan ogahay inuu bulshadan meel dheer kaga yaallo. Maaha ummadda Somaliland oo keliya ee dadka afka Soomaaliga ku hadla meel kasta oo ay joogaan taariikhdooda ayuu hayaa kaaga sheekaynayaa. Wuxuu kaaga warramayaa halgan iyo sooyaal oo dhan, wixii 1940-nadii iyo 1950-nadii dhacayay. Waxaad moodaysaa in sida Kitaabka Quraanka ah loo xafido uu korka uga hayo. Ilaahay cimrigiisa ha dheereeyo, waa shakhsi aad iyo aad iigu dheer oo aanan weligay illaabaynin. Walaaltinnimo, waalidnimo iyo galgacal baan u hayaa. Sooyaalkaa (taariikh) uu hayana in laga duubo oo laga qoro ayaan jeclaan lahaa. Wasalaama Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh” C/Casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamahiiriyadda Somaliland, 11/Feb/2013, Hargeysa.

Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somalilandoo aan 04/Feberweri/2013-ka weydiiyay dareen-celinteeda ku aaddan shakhsiyadda iyo doorka Xaaji Cabdi ayaa hadalkeeda u dhigtay sidan:

 “Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Runtii Xaaji Xuseen waxa aan u arkaa inta ay Somaliland adduunka kale dheertahay. Waa nin illaa maanta illaa markuu yaraa danta ummadda ka shaqaynayay, oo maanta isagoo boqol sanno iyo dheeraad jiray u diyaar ah in meel kasta oo maslaxadda Somaliland ku jirto ereygiisa ka geysto, inuu tego, inuu u safro inuu u dhoofo.

 Dhabtii anigu waxa aan is-leeyahay waa inay Somaliland qiimihiisa weynayso, la dhuuxo, oo haddii wax laga qorayo iyo haddii meel loo bixinayoba si mug leh oo qaran looga tashado waayo waa inta aynu dheernahay dadka kale. Ma jiro oday kale oo da’daas gaadhay oo caqligiisu u shaqaynayo sidaa Xaaji Cabdi… Qaaradda Afrika ayaad sheegtee malaha caalamkaba ma jiro qof sidiisaas oo kale ahi. Markaa anigu waxaan ku talin lahaa inaynu ku faanno Xaaji Cabdi”

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair