Daraasad laga sameeyey Wax-qabadka Hay’adaha Dawladda oo natiijadeeda lagu Daah-furay Film Documentary ah oo la soo bandhigay

Natiijada Daraasado laga sameeyey Wax-qabadyada Hay’adaha Dawladda oo lagu soo bandhigay Film Documentary ahHargeysa (SLpost)- Dokumentary xambaarsan daraasad markii u horeysay si cilmiyeysan looga diyaariyey wax-qabadyada hay’adaha Xukuumadda oo muujinaysa sida ay ugu kala horreeeyaan dhinacyada wax-soo-saarka iyo qabashada adeegyada bulshada, ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.

Daraasadaha lagu soo bandhigay Dokumentary-ga waxa soo diyaariyey isla markaana ka hawl-galay Urur Dhalinyaro ah oo iskood isu-xil-qaamay laguna magacaabo Hargeysa intellectual & Talent Club, kuwaas oo intii ay ku gudo-jireen baadhitaannadooda Waraysiyo kala duwan ka qaaday masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dawladda.

Munaasibad loo qabtay bandhigga Filim (Documentary) lagu soo ururiyey natiijada Daraasadda oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay isla markaana lagu marti-qaaday Marwada Madaweynaha Aamina Maxamuud Jirde, Masuuliyiin ka kala tirsan hay’adaha dawladda, hoggaanka Dhalinyarada ku Bahowday Ururka iyo Marti-sharaf kale.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN IYO DADKA KA HADLAY MUNAASIBADDA