Daraasad Cusub oo Sheegaysa In Gabawga Qofka Dhiigiisa Laga Ogaan Doono

UK(SLpost)-Saynisyahanno ku sugan magaalada London, ayaa soo saaray tijaabo cusub oo dhiigga la baadhayo, taasoo go’aan ka gaadhi karta in qofku da’diisu degdegayso iyo in kale in la ogaado.

Waxaa tijaabadu darsaysaa dhaqanka in ka badan boqol isir side oo ku jira dhiigga, maskaxda iyo murqaha. Waxay sheegeen in tijaabadan ay gacan ka geysan doonto in la saadaaliyo marka uu qof dhimanayo ama in la ogaado in qofku uu khatar weyn ugu jiro cudurka asaasaqa.

Waxay tijaabadani saameyn weyn ku yeelanaysaa daaweynta qofka, howlgabnimada qofka iyo adeegyada caymiska. Dhaqaatiir ka tirsan kulliyada caafimaadka King College ee London, ayaa sheegtay in la eego qofka da’diisa bayoliji ahaan in ay ka waxtar weyn tahay in la isticmaalo qofka xilliga uu dhashay.

Si kastaba ha ahaatee, howshan oo lagu daabacay wargeyska Genome Biology, ma jirto faafaahin dheeraad ah oo laga bixiyay sida hoos loogu dhigi karo in qofku gaboobo.

Baadhitaankan, ayaa lagu baadigoobayaan unugyada jirka qofka ugu qeybsan gabowga, iyadoo la barbardhigayo 150 isir side oo kale. Baadhitaankan, ayaa markiisii hore ku bilowday in la isbarbar dhigo 54 kun isir oo caafimaad qaba sida ay u shaqeeyaan marka uu inta badan qofku iska fadhiyo da’diisana u dhaxeyso 25 iyo 65, ka dibna waxay baadhitaanka hoos ugu soo dhigeen ilaa iyo 150 isir.

150907105327_age2 150907105350_age3

Prof Jamie Timmons, oo ka tirsan kuliyadaasi, ayaa u sheegay BBC in ay jiraan isirro caafimaad qaba oo gabowga qaabilsan oo ku wada jira unugyada bini’aadanka.

Waxayna u muuqataa in la baadhi karo waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin cimriga qofka iyo hoos u dhaca garaadka.

Waxaa muuqata marka la dhaafo da’da 40ka in baadhitaankan loo istimaali karo in lagu helo macluumaad la xidhiidha sida uu shaqsigu u gaboobayo ama degdeg gabowgiisu ha noqdo ama gaabis.

Kooxdan, ayaa sheegtay in caafimaadka iyo gabowgu ay yihiin laba shay oo kala duwan. Iyadoo sida uu qofku u nool yahay iyo go’aamadiisa ay noqon karaan kuwo xun ama kuwo wanaagsan.

Tuusaale ahaan haddii uu qofku iska fadhiyo maalintii oo dhan caafimaadka uma fiicna umana muuqato in ay saameyneyso sida deg deg ah ee qofka jirkiisu ku gaboobayo. Kooxdan, ayaa aaminsan marka la isku biiriyo sida aad u nooshay iyo da’da isirrada unugyada jidhkaaga in ay bixin karto sawir dhab ah oo la xidhiidha caafimaadka qof.