Daraasad Cusub oo Halbeeg ku cabbirtay Farxadda Ragga & Dumarka iyo Natiijo lama Filaan ah oo ka soo baxday

 

Hargeysa (SLpost)- Sida lagu shaaciyey natiijada baadhis cusub laga sameeyey xog-ururin laga soo ururiyey meelo badan oo dunida ka tirsan, raggu waxa ay farxad badan yihiin marka ay lacagta haystaan halka dumarka ay farxad badan yihiin marka ay helaan asxaab iyo xidhiidhka carruurta ay la leeyihiin iyo dadka ay la shaqaynayaan oo wanaagsanaada.

Baadhitaankan oo lagu sameeyey 28,153 qof oo kala tirsan 51 waddan oo adduunka ah samaysana shirkadda Nielsen ayaa lagu ogaaday sida wakhtigan xaadirka ah u sii badanayaan dhibaatooyinka dhaqaale ee dunidu in dad badani ay og yihiin in aan farxadda lagu kasban karin maaliyad.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Natiijada cilmi-baadhistan oo daah-furtay aragti ka duwan feker markii hore laga haystay dabeecadda mid ka mid ah labada Jinsi ee Dumarka iyo Ragga