“Danta Somaliland shacbigeeda iyo goleyaasheeda ayay u taallaa, beesha caalamkana…” Wasiirka Khaarajiga

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay muddo-kordhinta xukuumadda ay dhawaan u sameeyeen golaha guurtidu, taasoo xisbiyada mucaaradka ah iyo beesha caalamku ay diiday.

Wasiirka oo maanta la kulmay guddi hoosaadka ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada ayaa sheegay in wada-hadal ay ka yeeshaan beesha caalamka xaalad kasta, muddo-kordhintuna ay ka mid tahay waxyaabaha ay ka wada-hadleen iyo Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyay inaanay beesha caalamku xukumin Somaliland, isla markaana aanay go’aan ka gaadhi karin. “Dawladda Somaliland waa dawlad ka mid ah beesha caalamka, waa dawlad inkastoo aanay ictiraaf haysan madax-banaan, waana dawlad ku dedaashay inay gaar isu taagto, waa dawlad shuruucdeeda, waxqabadkeeda iyo distoorkeeda leh, shaqadeeda iyo hawsheeda siday u qabsatana way taqaanaa, markaa wada-hadallo waanu la yeelanaa beesha caalamka, waananu is-wareysanaa, laakiin danta Somaliland shacbigooda, goleyaashooda iyo xukuumaddooda ayay u taalaa, arrintan iyo wixii kaleba waanu kala hadalnay ciddii ka socotay beesha caalamka ee noo timi.” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Somalilandpost.net