Danjire Qaybe: Ruug-caddaagii Diblomaasiyadda Soomaaliyeed (1930kii – 2013ka)- Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale (Qormadii 4aad)

Cutubkan: 3aad mowduucyada kale ee uu kuu sido waxaynu ka soo qaadan karaynaa: Soo-noqodkii Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Dekedda Berbera dhismaheedii. Cutubkan wuxu si tifaf-tiran ugu soo qaadanayaa masiirkii naxdinta lahaa ee saddex qoys oo saamayn la yaab leh ku lahaa siyaasaddii dalalkooda: Reer Kennedy, Reer Ghandi iyo Reer Cali Bhuto.

Wuxu Cutubkan Danjiruhu ku soo gunaanadayaa dilkii Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee magaalada Laas-caanood isaga oo ku ladhaya qaabkii ay ciidammadu talada kula wareegeen 21/10/1969kii.

Cutubka: 4aad oo ay ku xusan yihiin dhacdooyinkii ku duugnaa sannadihii 1970-kii iyo 1980-kii u dhexeeyay wuu ku bilaabmayaa xidhiddhkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo dawladihii reer Galbeedka. Waxa kale oo uu Danjire Qaybe cutubkan ku soo abaartii daba-dheer ee 1974-kii-1975-kii. Si guud mar ah ayuu u soo qaadanayaa dalka Djibouti oo uu isla markiiba uga gudbayo Qaxootigii Soomaaliyeed ee ka dhashay dagaalladii Itoobiya iyo Soomaaliya dhex maray 1977-kii-1978-kii.

danjire qaybeWuxu ku soo khatimayaa Cutubkan: 4aad, Shirkii Wasiirradii Arrimaha Dibadda ee Kuuba ee Dawladihii Dhex-dhexaadka ahaa iyo aqoontii uu u lahaa Sucuudal Feysal, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga.

Saa waa  Cutubka: 5aad! Wuxu Danjire Qaybe ku bilaabayaa sidii ay ku samaysantay Hay’adda IGAD ee Dawladaha Bariga Afrika. Wuxu intaa ku kabayaa Dr. Cavin Hill iyo xidhiidhkii uu la lahaa Siyaad Barre. Intaa ka dib wuxu ka sheekaynayaa hawlihii uu ka qabtay Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Danjire Qaybe, wuxu guud-mar kooban ku samaynayaa kulan uu la yeeshay Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo.

Sheekooyinka intaa hore raacaya waxa kale oo ka mid ah xidhiidhadii Soomaaliya iyo Liibiya, iyo dhanka kale oo ah Soomaaliya iyo Koonfur Afrika. Sheekooyinka kale ee xiisaha leh ee Buuggan ku jira waxa kale oo ka mid ah: Kulan uu Danjire Qaybe la yeeshay Coretta King, Xaaskii Martin Luther King, Amiiraddii Uganda ee Bagaya ee Toro. Cutubkan: 5aadna wuxu ku soo gunaanadayaa Ronald Reagan iyo Mr. Michael Manley oo uu barbar dhigayo Cabdi Xoosh. Wuxu ku soo af-jarmayaa Cutubkani qabsashadii Saddaam ee dalka kuweyt yo sheekooyinkii la xidhiidhay.

Waxa ku xiga Cutubka: 6aad oo ah sannadihii u dhexeeyay 1990-kii iyo 2000-kun. Waa Cutub ku bilaabmayaa burburkii Dawladda Soomaaliya. Wuxu raacinayaa dhacdooyinkii Galgala oo ka mid ahaa dagaalladii sokeeye. Wuxu ku xigsiinayaa Hoggaamiye Maxamed Faarax Caydiid.

Halkaa marka uu marayo Danjire Qaybe, ayuu u gudbayaa dejintii iyo qoraalkii Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Intaa ka dib wuxu ka sheekaynayaa xidhiidhkii Daahir Ra’yaale Kaahin iyo dawladda Jabuuti beryihii uu safaaradda ka shaqayn jiray. Cutubkan 6aadna wuxu ku soo xidhmayaa qoraal kooban oo ku saabsan Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

Cutubka: 7aad wuxu soo koobayaa sannadihii 2000-kun ilaa 2010kii. Ma badna Cutubkani, waxaana ku jira laba mowduuc oo kala ah: Geeridii Cigaal iyo magacaabistii Mudane Daahir Ra’yaale Kaahin iyo xidhiidhkii ka dhexeeyay Daahir Ra’yaale Kaahin iyo Golihii Wakiillada.

Cutubka: 8aad oo ka ugu danbeeya, mowduuca keliya ee ku xusani waa Shirarka Somaliland iyo Soomaaliya.

Danjire Qaybe wuxu ka tegay dhaqan suubban oo dhaxal-gal ah oo ku-dayasho mudan. Waa horseed wanaagsan oo tusaale nool u noqon kara in badan oo la mid ah oo aan waxba uga tegin da’da soo koraysa ama ummaddii ay xilka u hayeenba.

Gunaanad

Aniga oo ku rajo fiican in aad fursad u heli doontaan aad Buuggaa kaga bogan doontaan. Qaybe, Ilaahay ha u naxariisto e’, wax badan oo kale ayaa ku duugnaa oo uu jeclaa in uu waqti dambe idiin soo gudbiyo. Waxyaabaha la yaabka lahaa waxa ka mid ahaa xusuustiisii. Buuggana waad ka daalacan doontaan sida la yaabka leh ee uu maskaxdiisa ugu xereeyay dhacdooyin badan oo xiise lahaa oo soo maray. Is-ba wuu jeclaa in uu u noolaado si uu u ogaado dareen-celinta dadka, laakiin cimrigu kuma simin.

Buugga waxa daabacday Madbacadda ASAL ee Hargeysa, waxaanu soo baxay sannadkan 2013ka.

Dhaqan wanaagsan oo ku-dayasho mudan ayuu inooga tegay Danjire Qaybe. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aammiin.

 

Dhammaad