Danjire Qaybe: Ruug-caddaagii Diblomaasiyadda Soomaaliyeed (1930kii – 2013ka)- Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale (Qormadii 2aad)

qeybe 1Waxaynu dhex maaxaynaa Danjire Qaybe oo inoo waday taariikh-nololeedkiisii oo aanu idiin ka soo rarnay ama idiin ka soo qaadnay Buugga uu kaga tegay xusuustiisii dheereyd ee hodanka ahayd. Buuggani wuu daabacan yahay, maalin aan fogaynna haddii Eebbe idmo waxa loo qaban doona xaflad daah-fur ama gardaadin ah oo noogu qorshaysnayd in uu Marxuumkuna markii hore inagala qayb-galo. Ilaahii abuurtay ayaa oofsaday, waxaynu uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Aamiin.

Danjire Qaybe isaga oo sii wada taariikh-nololeedkiisii wuxu intaa hore ku daray oo uu qoray:

“1954kii Xukuumaddii Ingriiska ee Somaliland ayaan codsi shaqo-siin ah u soo qortay, waanay iga oggolaatay. 18kii June 1954kii, ayaan madaarka Hargeysa ka soo degay. Magaalada Hargeysi waqtigaas aad ayay u yareyd, una qurux badnayd. Waxay ahayd meel cimilasdeedu wanaagsan tahay aan boodh iyo qashin midnaba lahayn, oo dhulka intiisa badan aanay daaro ka dhisnayn oo cagaar ahayd, oo dhirta waaweynina ku badnayd, ‘A picturesque Garden town.’ Waxa ku noola mujtamac is-wada yaqaannay, oo is-jecel oo kan maanta aad uga yar.”

Waa sawir inta Hargeysa sidaa ku ogeyd ama u taqaannayba ay maanta aad iyo aad u yar tahay. Cimiladu mid qabow oo inta badan dab la shito, biyahana la diirsado ayay ahayd. Ilaa barqada dhulka ceeryaan ayaa ku gedfanaan jirtay. Guryaha shacabka oo kala fogaa ugaadh ayaa hareeraha kaga noolaan jirtay. Waayo….waayo iyo beri-samaad.

Aynu ku noqonno taxanihii sheekadeenna, Danjire Qaybena halkii ha sii kalwiyo, waxaanu yidhi:

“Waxaan shaqo ka bilaabay Xafiiskii Maamulka Degmada Hargeysa (District Commiosner Office) amaba xafiiska D.C-ga (Dhiisiiga) oo maanta daarta Maxakamadda Gobolka ah. Waxa laygu magacaabay District Clerk oo derejo sare waqtigaas ahayd. Muddadii aan xafiiskaas hayay dhacdooyin badan ayaa i soo maray.”

 

Halkaa aan ku yar joogsanno. Malaha waxaad doonayseenba in aan idiin sii wado oo uu dhacdooyinkaa idiin ka sheekeeyo. Waa qaar la yaab leh oo aad u xiiso badan, bal se waxaad ka daalacan kartaan Buugga Danjire Qaybe iyo Caalamka oo uu xusuustiisii hodanka ahayd kaga tegay.

Sannadku markii uu ahaa 1956kii, Qaybe waxa loo beddelay magaalada Berbera oo uu ka noqday Xoghayaha Fulinta (Executive Officer) ee Dawladda Hoose. Halkaas ayay markii ugu horreysay isku baranayaan Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo xilligaa ka tirsanaa Golihii Degaanka ee Berbera.

Qaybe isaga oo ka shaqaynayay magaalada Berbera ayaa waxa u soo baxay Deeq waxbarasho oo uu ku tegay dalka Ingiriiska. Isaga oo Deeqdaa Waxbarasho ka hadlayana wuxu qoray:

“Bishii Sebtember 1956kii ayaanu Hargeysa ka dhoofnay aniga iyo Cismaan Axmed Xassan (Cisman-indhoole) ama Cisman Caammiye oo deeqdaas wax-barasho ila wadaagay. London ayaanu dhowr maalmood ku hakannay, ka dibna waxaanu u gudubnay magaalada Edinburgh, caasimadda Scotland. Waxaanu ku biirnay Jaamacadda Edinburgh, qaybteeda maamulka dawladaha hoose laga barto.

 

Edinburgh waxaa nooga sii horreeyay Cali Sheikh Ibrahim (Cali Qaaddi) oo isla Jamacadaas kulliyaddeeda caafimaadka (dhakhatnimada) wax ka baranayay. Guri (apartment) oo ay lahayd islaan la odhan jiray Miss Love, ayaanu saddexdayadii wada kiraysanay si aanu isugu biil gaabsanno. Sida hillaaca ayuu nagu dhaafay sannadkii aanu Edinburgh joognay. Ka dib aniga iyo Cisman Axmed ayaa u wareegnay Jaamacadda qadiimka ah ee Oxford. Laba sannadood ayaanu Jaamacadaas ka baranaynay Public and Social Administration, Anigu waxaan ku biiray Baliol College. 1959kii dabayaqadiisii ayaanu Hargeysa ku soo noqonnay. Cismaan Axmed waxa lagu magaacay D.C-ga Ceerigaabo, aniguna waxaan la wareegay shaqadii Xoghayaha Golihii Shacabka ee Somaliland. Waxa kale oo aan Xoghaye u noqday Guddidii Dallacaadda iyo wax-barashada dibadda. (Promotion and Training Board). Jeeniweri 1960kii, ayaan London ku noqday si aan Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Ingriiska (Parliamentary Procdure) u soo barto.”

Dhankaa dhan dheh. Inta ka dib waxa samaysantay Jamhuuriyaddii Soomaaliya markii la isku daray gobolladii Woqooyi iyo kuwii Koonfureed. Markii Xamar la tegay Mudane Qaybe waqti gaaban ka dib ayuu ka mid noqday 7 safiir ama Danjirayaashii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya dibadaha u magacowdo, bishii Jeeniweri 1961kii, kuwaas oo kala ahaa:

1.   Xasan Nuur Cilmi: Qarammada Midoobay,

2.   Cumar Macalim: Washington,

3.   Axmed Maxamed Adan (Qaybe): Moscow,

4.   Maxamud Cabdi Carraale: London,

5.   Maxamed Sheekh Xasan: Roma,

6.   Cabdiraxim Caabi Farax: Addis-Abeba,

7.   Cali Xussen Gurrac: Qaahira,

Bishii Juulay 25dii, 1960kiina waxa lagu dhawaaqay xukuumaddii ugu horreysay ee ay yeelato Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo u dhisnayd sidan hoos ku qoran sida aanu ka soo xigannay Buugga hodanka ah ee Danjire Qaybe uga tegay da’yarta Soomaaliyeed ee u oomman taariikhdooda.

Xukuumaddii Soomaaliya ee ugu horreysay:

1.   Cabdirashiid Cali Sharmaarke….. Ra’iisal Wasaare,

2.   Cabdi Xassan Buuni……………. R/Wasaare ku-xigeen,

3.   Axmed Xaaji Ducaale…………….Wasiirka Beeraha,

4.   Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal….Wasiirka Gaashaan-dhigga,

5.   Cali Garaad Jaamac………………Wasiirka Tacliinta,

6.   Cabdilqaadir Maxamed Aadan Soobbe)….………Wasiirka Maaliyadda.

7.   Cabdillaahi Ciise Maxamuud…..Wasiirka Arrimaha Dibedda,

8.   Sheekh Cali Jimcaale…………….Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqaalaha,

9.   Sheekh Cabdulle Maxamuud……Wasiirka wershedaha iyo Ganacsiga,

10. Cali Maxamed Hiraabe…………….Wasiirka Warfaafinta,

11. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen…….Wasiirka Arrimaha Gudaha,

12. Maxamuud Axmed Maxamed……..Wasiirka Caddaaladda,

Wasiir-ku-xigeennadii:

  1. Maxamed Sheekh Daahir: Wasiir-ku-xigeenka Gaashaan-digga,
  2. Maxamed Cali Dacar: Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda,
  3. Maxamad Isaaq Salaad: Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha,
  4. Maxamd Cali: Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada,
  5. Xuseen Cumar Xasan: Wasiir-ku-xigeenka Beeraha,

(la soco……………………………………………)