Danjire Qaybe: Ruug-caddaagii Diblomaasiyadda Soomaaliyeed (1930kii – 2013ka) Qalinkii Boobe

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta

Qormadii: 3aad

 

Danjire Qaybe wuxu safiir u ahaa soomaaliya 1961kii ilaa 1985kii. Wuxu safiir ka noqday afar magaalo oo keliya kuwaas oo kala ahaa: Moscow laba jeer, London, New York iyo Washington. Sannadkii 1985kii ayuu dib ugusoo noqday Soomaaliya isaga oo Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ka noqday Xoghayaha Joogtada ah. 1990kii, waxa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Dhowr sannadood ayuu dibadaha wareegayay, ka dibna 1997kii ayuu Somaliland soo degay. Waxa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, intii ka dambeysayna, wuxu La-taliye u ahaa Madaxweyne iyo Madaxweyne Siilaanyo. Sidaas ayuu noloshiisa intii ugu dambeysay Hargeysa ugu qaatay.

qeybe 1

 

Qaybe, isaga oo ka hadlayay noloshaa la yaabka lahayd ee uu soo maray iyo sidii uu uga adkaystay in hamti ka helo wuxu qoray:

 

“In kasta oo noloshayda intii badnayd shaqo wanaagsan aan hayn jiray oo shan iyo labaatan sannadood aan Safiir ahaa, intii dawladdii Soomaaliya aanay burburinna shan sannadood waxaan ahaa Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaraddii Arrimaha Dibedda; lix biloodna waxaan ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda. Haddana weligay kuma fekerin in aan xoola dhaqdo. Geel iyo adhi maan iibsan. Berkedana ma aan samaysan. Sida oo kale iskuma deyin in aan lacag badan yeesho in kasta oo ay fursado badani I soo mareen.”

Bal hadda immikana aan u leexanno xaggaa iyo Buugga uu ka tegay ee dhaxalka oo aan idiin soo raro Hordhaca si aad u yar dhadhansataan.

Hordhaca Buugga Danjire Qaybe iyo Caalamka

 

Waa Buug kooban oo hodan ah. Waa waayo-aragnimadii diblomaasiyadeed iyo nololeed ee Danjire Axmed Maxamed Aadan oo loo yaqaanno Qaybe. 1960-kii ilaa 1985-kii Soomaaliya ayuu Safiir uga ahaan jiray: Moscow, London, Washington iyo New York. Waxa xusid gaar ah mudan in uu Danjire Qaybe laba jeer Safiir ka noqday magaalada Moscow. Muddo ku siman shan sannadood ahna wuxu ahaa Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee Dimuqraaddiga ahayd. Bishii Sebtember 1989-kii waxa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Dibadda oo uu muddo gaaban hayay oo ku sinnayd intii ay dawladdii Soomaaliya burburaysay..

Maalin maalmaha ka mid ahayd sannadkan 2013ka ayuu ii dhiibay maqaal ku saabsanaa ‘Gantaalihii Kuuba’ oo afka Ingiriisiga ku qoran si aan ugu soo tarjumo. Waan u dhammeeyay. E-mailkii aan maqaalkaa ku lifaaqay, ayaan ugu qoray beydad Deelleeydii Maxamed Cabdillaahi Yaasiin oo Dheeg loo yaqaanno ku jiray oo ahaa:

 

“Dadka waan ka quustee,

 Dunida show rag baa nool,”

 

Wuxu mar dambe ii sheegay in uu ereyadaa ka dib go’aansaday in uu xusuustiisii diblomaasiyadeed oo dhan qoro. Sidaas ayuu Buuggani ku dhashay oo uu ku dareeriyay Axmed Maxamed Aadan oo loo yaqaanno amaba ku caano-maalay Danjire Qaybe. Markaa ka dib ayuu Qaybe soo urursanayaa tix-raacyadii iyo sawirradii uu ku marriimi lahaa Buuggan taariikhiga ah.

 

Idinka oo taariikh-nololeedkiisa Buugga ka daalacan doona bal, hadda aan idiin dul cararo qaybaha uu Buuggani ka kooban yahay.

 

Sidii dhaqanka Buugaagtuba ahaa wuxu ku ballaysimayaa Hibayn. Waxa raacaya mahad-celin kooban oo uu ugu mahad-naqayo dadkii gacanta ka geystay qoraalka iyo daabacaadda Buuggan. Waxa raacaysa afeef kooban oo uu Qoraagu kaga cudur-daaranayo wixii nusqaan ah ee Buuggan ka soo baxa. 

 

Intaa ka dib ayuu Danjire Qaybe u ambo-baxayaa Buuggiisa oo ku bilaabmaya Cutubka: 1aad.

 

Cutubka ballaysinka u ah Buugga wuxu ku soo qaadanayaa muddadii ama sannadihii u dhexeeyay 1940-kii ilaa 1950-kii, waana sida aanu Buugga u qayb-qaybinnay. Wuxu kaga hadlayaa bilowga Cutubkan 1aad dhalashadiisii xaafadda Khoor-maksar ee Cadan. Waxa kale oo uu wax aan badnayn ka taabanayaa Kulankii Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee loo yaqaannay ‘SYL’. Danjire Qaybe wuxu ka sheekaynayaa intii uu Cadan deggenaa iyo waxyaabihii uu ku hawlanaa. Waxa kale oo uu Cutubkan Danjire Qaybe si guud-mar ah ugu soo qaadayaa taariikhdii Imaamyadii Yamaneed. Wuxu ku soo gunaanadayaa Cutubkan ‘Wisaayaddii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya’ (UN Trusteeship of Somalia) iyo sahamiyihii weynaa ee Ingiriiska ahaa ee Ricrad Burton oo markii dambe Sheekh Cabdalle la baxay.

 

Cutubka: 2aad wuxu Danjire Qaybe ku soo qaadanayaa mowduucyo  iyo dhacdooyin hodan ah oo uu ku muddaystay intii u dhexeysay 1950-kii ilaa 1960-kii. Wuxu ku bilaabayaa shaqadiisii ugu horreysay Cadan oo uu ka qabtay Taliskii Sare ee ciidammadii Ingiriiska. Wuxu intaa raacinayaa sheeko yar oo la xidhiidha Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye iyo dawladdii

 

Ingiriiska arrin dhex martay. Wuxu intaa dhex-taal uga dhigayaa dal-sanka la baxay ‘Hawd & Reserve Area’ iyo qaabkii loo bixiyay. Berbera iyo madax-bannaanidii lixdankii ayuu ku karayaa. Wuxu Cutubkan: 2aad ku soo qaadanayaa deeq waxbarasho oo uu ka helay dalka Ingiriiska, Xisbiyadii Siyaasadeed ee xilligaas iyo dagaalkii Kuuriya.

 

Ma Cutubka: 3aad baa? Waa sannadihii u dhexeeyay 1960-kii ilaa 1970-kii. Waa Cutub hodan ah oo xanbaarsan taariikh ma-guuraan ah iyo maalmo mahadhooyin reebay. Wuxu Cutubkani ku bilaabmayaa xoreyntii Somaliland iyo is-raacii lixdankii. Waxa kale oo raacaya Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa kale oo uu Cutubkan ku soo qaadanayaa xorriyaddii ka dib wixii dhacay. Isla Cutubkan gudihiisa ayuu ku qaadaa-dhigayaa dalka Koongo iyo dhacdooyinkii uu ku hoyday geesigii la quudhi waayay ee Patrice Lumumba.

 

Wuxu Danjire Qaybe uga gudbayaa dagaalkii  qaboobaa ee u dhexeeyay quwadihii caalamiga ahaa ee beryahaa jiray. Intaa ka dib ayuu ka sheekaynayaa qaabkii ay u abuurantay xarakaddii dhex-dehexaadka ahayd ee la odhan jiray ‘Afro-Asian Group’.

 

Intaa ka dib isla Cutubkan gudihiisa wuxu Danjire Qaybe kaga sheekaynayaa gobolka NFD iyo Kiiniya. Mowduucyada xiisaha leh ee Cutubkan ku jira waxa kale oo ka mid ah booqashadii Madaxweyne Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee Mareykanka iyo Mudanayaal ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo Moosko booqday.

 

(La soco…………………………………….)