Danjire Nicholas Kay oo jawaab ka bixiyey tabashooyin Baarlamaanka Soomaaliga ka sheegtay Warbixin uu Soomaaliya ka gudbiyey

Nicholas KayCopenhagen (SLpost)- Shirkii heerka sare ee iskaashiga Soomaaliya iyo bulshada caalamka oo ay martigalisay Denmark, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Copenhagen. Waxa uu ahaa kulan lagu eegayay muddo sannad ah wixii ka qabsoomay yaboohii Bulshada caalamka in ay maalgeliyaan qorshayaasha dawladda ee sugidda nabadgelyada iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa BBC-da u sheegay in ay tahay Hay’adaha dawladda Soomaaliya ee sida Barlamaanka, Madaxtooyada iyo Xafiiska Raysal-wasaaraha ay tahay in ay raadiyaan xalka ismari-waaga Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha.

Nicholas Kay, ayaa sheegay in aanay jirin sabab uu raalli-gelin uga bixiyo eedeyn uu dhawaan u jeediyey Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay in Mudanayaasha qaarkood uu saameeyo khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaruhu, isla markaana ay Codkooda ku beddeshaan Lacag.

Hadalkaas oo ay Xildhibaannada qaarkood aad uga xumaadeen, isla markaana Danjire Kay ka dalbadeen inuu raalligelin ka bixiyo eedayntaas oo ay ku tilmaameen mid aanay geyin oo gef ku ah  Baarlamaanka. Hase-yeeshee, wax jawaab ah uma celin Nicholas Kay Mudanayaashaas raalli-gelinta ka dalbaday.

Madaxa Xafiiska arrimaha Soomaaliya u qaabbilsan Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo BBC-du weydiisay inuu isagoo ka jawaabaya Dalabka Mudanayaasha hadalkiisa hore dhibsaday inuu raalligelin ka bixinayo eedayntaas Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ka xumaadeen, waxa uu sheegay inaanay jirin sabab uu u bixiyo raalli-gelintaas.

SOMALILANDPOST.NET