Danjire Gunter Nooke oo Kormeeray Mashaariicda Dowladda Jarmalku Ka Waddo Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland iyo wakiilka dawladda Jarmarka u qaabilsan waddamada Africa ayaa kormeer ku soo maray qaar ka mida Mashaariicda horumarineed ee ay Dawladda Waddanka Germalku ka fulinayso Deegaano ka tirsan Hawdka Magaalada Hargaysa.

Nooke

Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahim Shirwac ayaa ka warbixiyey kormeerka ay masuuliyinta dawladdu Jarmalku ku sameeyeen deegaano ka mid ah hawdka gobolka Maroodi-jeex, waxaana uu yidhi “Waftigan ka socda dawladda Jarmalka ee Somaliland ka taageera dhinaca horumarku waxa ay booqdeen deegaano kala duwan oo ay mashaariic ka socoto, waxa aan eegay sida ay mashaaricda wax uga qabanayaan Jarmalku Mustaqbalka, wakiilka dawladda Jarmarka u qaabilsan waddamada Africa waxa uu soo arkay meelo badan oo ay dadka dhibaatooyin ka haystaan, annagu warbixin ayaanu ka siinay wasaarad ahaan, waxaan filaynaa in ay wax qaban doonto wada shaqaynta danbe.”

 

Wakiilka dawladda Jarmarka u qaabilsan waddamada Africa Ambassador Gunter Nooke ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay waxa uu ku arkay Somaliland, waxaana uu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay waxa aan ku arkay Somaliland, waxa aan soo arkay mashaaricda dhinaca horumarka ah ee aanu dawlad Jarmal ahaan ka Caawinayno dalkan.  Somaliland na waa deegaan ku habboon in aanu ka fulino mashaariic dhinaca horumarka ah.”