Danjire Cawil Kormeer Ku Maray Wershadaha ugu Waaweyn Dalka Shiinaha, una soo Bandhigay sidii ay Maal-geshi uga Samayn lahaayeen Somaliland

Beijing (SLpost)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka China, Danjire CAwil Ibraahim, ayaa kormeero u kuurgal ah ku tagay Xarumaha  qaar ka mida Wershadaha ugu waaweyn Wax-soo-saarka dalka Shiinaha.

 

 

Safiirka Somaliland Amb Cawil Ibraahim oo dhawaan madaxweyne Biixi u magacaabay xilka, ayaa ugu horeyn kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta shirkadaha ugu waaweyn dalkaasi, waxaana shirkadaha uu booqday safiirku kamida wakhtigii koobnaa ee uu hadda ku jiray shaqada shirkada ugu weyn ee Soosaarta qalabka dhismaha ee dalkaasi china, kaas oo kulamo la qaatay Masuulka ugu sareeya Shirkadaaasi iyo Mulkiilaha waxaana ambassador Cawil oo ka duulaya sidii ay Sharaa’iga dunidu ugu soo dhiiran lahaayeen Maalgashi ay ku sameeyaan Dalka Jamhuuriyada Somaliland oo uu sharraxaad dheer ka siiyey horumarka balaadhan ka jira iyo sida shirkadaha caalamka ugu soo dhiiranayaan Maalgshi ay ka sameeyaan.

 

Waxa uu usoo jeediyey Mulkiilaha in shirkadda inay ku yeelato wakiil ka shaqeeya Somaliland sidaasi daraadeedna Qaranka Somaliland u damaanad qaadayaan in hirgalinta maalgalineed ay dalka la yimaadaan iyadoo lagu soo dhaweynayo Gacmo furan.

 

 

Dhanka kale waxaa uu safiirku safar shaqo ku tagay gobolka dhaca Barriga China ee lagu magacaabo Shandon oo uu kulamo kala duwan kula qaatay mulkiilayaasha iyo maamulka ugu sareeya shirkada soosaarta milixda oo ah shirkada ugu weyn dalkaasi, waxaana safiirku faahfaahin iyo xogo muhiima ka siiyey sida dalka somaliland uu u yahay qaran u dihin maalgashiga iyo sida ay dawlad ahaan usoo dhaweynayaan,taas oo ay uga mahad celiyee booqashada safiirka iyo sida ay qaran ahaan usoo dhaweynayaan maalgashi ay ku sameeyaan dalka jamhuuriyada Somaliland.

 

 

Inta la ogyahay shirkadan soosaarta milixda ee ugu weyn dalka china ayaa Maalgashi kala duwan ku sameysay dalka aynu jaarka nahay ee djabouti oo ay ku maalgalisay lacag gaadhaysa ilaa 20 milyan oo dollar kana hirgalisay mashaariico kala duwan oo wax badan ka taray dalkaasi, waxaana safiirka Somaliland u fadhiya dalka china Amb Cawil Ibraahim Isla qaateen sidii shirkadahan kala duwano ay mustaqbalka dhow uga sameyn lahaayeen maalgashiyo kala duwan dalka Somaliland.

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN OO MUUQAAL AH