Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka dareen-celiyey Xilka Madaxweynaha Somaliland u magacaabay

 

Hargeysa (SLpost)- Digreeto uu shalay soo saaray Madaxweynaha Somaliland,ayaa waxa uu ku magacaabay Sagaal masuul oo isugu jira Safiirro iyo safiir-ku-xigeennada Somaliland u fadhiya dalalka Itoobiya, Jarmalka, Norway, Sucuudiga, Yemen, Koonfur Afrika, Ingiriiksa iyo Midowga Yurub, halka uu sidoo kale xilalka ka qaaday masuuliyiintii hore u haysay xilalkaas.

Shakhsiyaadka uu Madaxweyne Biixi xilalka u magacaabay waxa ka mid ah Suxufiga ruug-caddaaga ah ee Barkhad Maxamuud Kaariye oo Madaxweynuhu u igmaday inuu qaranka uga wakiil noqday xilka Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya.

Haddaba, Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye oo ah Suxufi ka soo shaqeeyey warbaahinta maxalliga iyo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da, muddooyinkii u dambeeyeyna ahaa Macalin duruusta saxaafadda ka dhiga Jaamacadda Hargeysa, ayaa mar uu maanta saxaafadda qaarkeeda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ka dareen-celiyey Xilka madaxweynuhu u magacaabay.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka Safiir ku-xigeenka

 

Taariikhda Safiir ku-xigeenka oo kooban

Barkhad Maxamuud Kaariye, waxa uu Waxbarashadiisa Dugsiyada Hoose, dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Hargeysa iyo dalka Ethiopia.

Dajire Barkhad waxa uu sidoo kale Jaamacadda Hargeysa ka diyaariyay Shahaadada sare ee Deraasaadka Nabadda iyo xallinta khilaafaadka.

Shahaadooyinka Sharciga iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ka qaatay Jaamacado Hargeysa ku yaalla, isla markaana wuxuu Culuunta Saxaafadda ku Bartay magaalooyinka Hargeysa iyo Nairobi ee Kenya iyo Somaliland.

Wuxuu waxbarashada derejada labaad ee Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Dibloomaasiyadda ku bartay Jaamacadda Kampala ee Yugaandha.

Waxa warbaahinta Somaliland kusoo biiray sanadkii 2005, isagoo markaa shaqadii u horreysay ka bilaabay 2005-tii Wargeyska Ogaal oo magaalada Hargeysa ka soo bixi jiray, kaas oo markii danbe ka noqday Tifaftire guud.

Sidoo kale, waxa uu ka shaqeeyey hay’addo warbaahineed oo gudaha ah iyo kuwo dibedda ah, isagoo kasoo shaqeeyay Idaacadda BBC. Waxa kale oo uu kasoo shaqeeyay Idaacadda VOA oo uu ka gaadhay masuulka u sarreeya Somaliland u jooga. waxaanu noqday tabobbare saxaafadeed.

Barkhad Kaariye, wuxuu muddooyinkii dambe Macallin ka ahaa Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacado kale, Wuxuu Shahaadada PhD ku diyaarinayaa dawladnimada, nabadda iyo horumarka ka dhigtaa Jaamacadda University For Peace ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, wuxuu xubin ka ahaa Guddiga Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ahaa xubin fir-fircoon, isla markaana ahaa shaqsi dedaal badan sameeyay oo ka dhex ifayay saxaafada Somaliland oo lagu majeerto akhlaaq wanaagsan, deganaan iyo dabeecad wanaagsan oo ixtiraam badan u muujiya dadka ay kulmaan iyo kuwa ay mihnada saxafada ku wada jireen oo ay ka muuqdaan furfurnaan iyo astaamo dublamaasiyadeed.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost.net