Danjiraha Somaliland Ee Ethiopia Oo Sharaxay Xidhiidhka Labada Waddan

 

Hargeysa(SLpost) – Danjiraha Somaliland u jooga Ethiopia Maxamuud Aadan Jaamac(Galaal) ayaa ka hadlay heerka dawladda Ethiopia iyo wadamada Africa ee xaruntoodu Addis Ababa tahay ka taagan yihiin qaddiyada gooni isku taaga Somaliland, wuxuuna sheegay in arrinta goosashada ay xasaasiyad ka qabaan wadamada Africa qaar badan oo ka mid ah.

 

Waxa uu rajo fiican ka muujiyay aragtida Ethiopia ee Somaliland, isagoo tilmaamay in dawladda Ethiopia horumarka Somaliland u aragto horumarka Ethiopia. Waxa uu sheegay inay naxariis badan u hayaan madaxda Ethiopia dawladda Somaliland, islamarkaana meel fiican ka taagan yihiin.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inay xoogga saaraan sidii wadamada kale ee Addis Ababa jooga ee midawga Africa ka mid yahay ay uga dhaadhicin lahaayeen qaddiyadda Somaliland, isagoo sidoo kale tilmaamay inay bulshada Somaliland adeegyo fiican u qabtaan, cidii muraad u yeelata Ethiopia.
https://youtu.be/YM20PjTZRMY