Daneyste Iyo Dawarsade!

 

Sidaad ku taqaano dawarsaduhu waa qofka umadda kale waydiista iney wax taraan waliba iney cuno ka helaan, hu, siyaan amaba siyaaba kaleba gacan u weydiistaan iyagoon wax abaala iyo amaaha toona qofka ugu heyn, maalinba meeshi ay wax ka helaana taga ama jooga uun, ma jirto haba yaraatee wax iyaga ka galey kii shaley wax siiyey inuu isaga laftiisu maanta baahan yahey taasi haba danbeysee inaaney aqoonsan baaba dhici karta, waana darajo marka aynu miisanka saarno haddeynu nahey umadda soomaliyeed noqoneysa mid aad u liidata dad badanina ka door bidaan geerida.

Waxaan taa aan haddaba ka meeqaam hooseyn Daneystaha, waa kalidii noole aan dadka kale la rabin horumar iyo iney gaadhaan wax libin ah haba yaraatee, wax kalena aan kaba fakarin tooda mooyee, farxada umadda kale waa u murugo iyo is ciil-kaambi, waxey markasta hiifaan oo haaraan wakhtigii farxadaa iyo reyn reyntaa la gaadhayey halkii ay ku maqnaayeen. Wajigooduna la madoobaada murugiyo ciil. Ma ogola inay mar qudha cid kale wax u huraan, haa haddii ba ay dhacdana waa ku dirqi iyo tu xun.

Diinteena wanaagsanina waxey marwalba iyo goor walba dhiiri galisaa in ay dadka muslinka ahi meelkastooy joogaan gacan isa siiyaan wanaagana isla jecladaan.

Sida ku cad hab-dhaqanka Rasuulkeenii suubanaa (NNKH), waxa uu hadal iyo ficilba ku muujin jirey in waxa uu naftiisa la jecel yahey walaalihiina la jecel yahey taasi waxa kaga dayday inbadan oo ka mida asxaabtiisii  qaaliga ahaa.

Waxa laso wariyey Xadiis saxeexa oo odhanayey (MIDKIINA MUU RUMEYNIN ILAA UU LA JECLAADO WALAALKII WAXA UU NAFTIISA LA JECEL YAHEY), waxa kale oo ku cad xadiis samaawiya (ALLE WUXU GARABKIISA JIRAA ADOONKA INTA UU ISNA WALAALKII GARABKIISA JIRO),waa arin milgaheeda leh haddii sideeda loo raaco, waxey farxadaadu dhameys tirantaa marka lagula qeybsado, guul aad gaadhey oo aad farxad iyo reyn reyn ku heshay walaalkaan uu murugo iyo muraara dilaac ka qaadey guul laguma magacaabi karo, xataa ka kula tartamaya ayaa mararka qaar gacan loo fidiyaa, Miyaad yaabtey! Haa, oo adiga waxbaba kaagama xumaanayaan, wax kuugu hagaaga mooyee.

Haddaba adaa dooran kara inaad dawarsadahaa la meeqaam noqoto iyo inaad ka wadiiqo kale qaadidba, waa nin iyo garaadkii.

W/Q- Hibo Ciise Maxamed

Email: hibafaakhir@gmail.com