Daneeyayaasha Dunida ee U Dooda Dawladnimada Somaliland Oo Warqad Furan U Soo Diray Madaxweyne Siilaanyo, Jariirada HUBAAL iyo Saxaafadda Madaxa Banaan

London (SLpost)- Dr. Steve Kibble oo ah Ku xigeenka Madaxa, Somaliland Focus (UK) ayaa Warqad ku suntan Qaddiyadda Wargeyska HUBAAL iyo Xayiraada la saaray u soo diray   Madaxweynaha Somaliland.

Dr. Steve Kibble  oo warqaddiisa furan cinwaan uga dhigay “ Warqad furan oo ku socota Madaxweyne Siilaanyo: Jariirada HUBAAL iyo Saxaafadda Somaliland”, waxa uu kaga hadlay dhacdooyinkii kala dembeeyey ee lagu bartilmaameedsaday HMN. Waxaana iyada oo aanu idiin turjunay ay u dhignayd sidan:

Maareeyaha-iyo-Tifaftiraha-Hubaal“Md. Madaxweyne, Waxaan Qoraalkan Kuugu soo Qorayaa Aniga oo ah Guddoomiye ku xigeenka  Ururka Somaliland  Focus (UK).  Tan iyo 2005-dii, Somaliland Focus waxay  ku hawlan tahay Wacyigelinta nidaamka dimuqraadiyada Somaliland,  waxa ay kamid ah Isu-duwayaasha Goob- joogayaashii caalamiga ahaa ee doorashooyinkii 2010-kii iyo 2012-kii Somaliland ka qabsoomay, Annaga oo sidoo kale  saamayn ku leh dhammaan xisbiyadda siyaasadda, xubnaha Baarlamaanka UK, ee ku lugta leh   Somaliland iyo Somalia. Waxaanu u han-weynahay In laga midho dhaliyo Guulaha Somaliland.

[Md. Madaxweyne] Qoraalkani waxa uu xambaarsan yahay  guud ahaan mawqifka aanu ka qabno xorriyatul-qawlka [Saxaafadda Madaxa banaan] Somaliland xaaladda ku sugan yahay, gaar ahaanna  dhacdooyinkan ugu dembeeyey ee khuseeya Jariiradda HUBAAL.

 Tixraaca qoraalkanina Macnawiyan, waxaa uu tixraacayaa Warqad Furan oo [Somaliland Focus] ay 11-kii bishii November ee sanadkan 2013-ka aanu u soo dirnay Asxaabtayada [Wasiirrada] Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka  arrimaha Dibedda Somaliland iyo Cabdillaahi Maxamed Daahir, Wasiirka Warfaafinta Somaliland. Warqaddaas Waxa ay khusaysay sawirka ay bixinayso cabsi-gelinta iyo cago-juglaynta  joogtada noqotay ee deriska la ah Suxufiyiiinta Somaliland. Aan Tixraacno Wargeyska HUBAAL oo Bartil-maameed  khaaska u  noqday, weerarkii bishii April aynu ka war-qabnay ee lagu qaaday xafiiskooda Hargeysa iyo dhaawacyadii soo gaadhay hawl-wadeennadiisa.

Bishii June,  waxa la xayiray daabacaaddii [HUBAAL], kadib markii wargeyska ay ku soo baxeen  Qormooyin  ay ka biyo diidday dawladda Somaliland,  xayiraadaas ka sokowna waxa xigtay in Tifaftiraha guud  [editor-in-chief] iyo Maareeyaha [Managing director] ee HUBAAL Xabsiga la dhigo,  inkastoo markii dembe xayiraada dib looga qaaday wargeyska, Masuuliyiintiisiina la sii daayay, markii aad adigu [Madaxweyne] Bishii  August,  soo saartay Digreeto Madaxweyne oo  nasakhaysa xukunnadii lagu riday labadaas nin iyo xayiraadii la saaray daabacada wargeyskaba.

 Intaas oo dhan ka sokow;

Bishan December 13-kii Waxaa Wehel noo noqday  Walaahow iyo Werwer kadib markii  mar labaad ay ciidanku ku duuleen xarunta wargeyska lagu duulay iyagoo si ficil ah uga war celinaya falanqayn ka dhan ah iyaga oo wargeysku sameeyey, waxa ay garaaceen oo ay xidheen dhawr xubnood inkastoo markii dembe lasoo daayay.

Waxa la soo weriyey in  weli la haysto xaruntoodii, Maareeyihii Fulintuna uu dhuumasho ku jiro ilaa hadda.

Tallaabadan Ciidanku waxa ay daba socotay Isu soo bax salmi ah oo ay   shaaciyeen xubnaha saxaafaddu, kaasi oo loo xidhay afar suxufi, lix maalmoodna xabsiga ay ku jireen. Sarkaalkii Bilayska ahaa ee bishii April ku soo duulay  Hubaal oo la xidhay ayaa la sii daayay waana Tallaabada   carisey shucuurta suxufiyiinta ee ay Isu soo baxa ka sameeyeen. Sii deynta sarkaalkan waxa ka dhiidhiyey Tifaftiraha guud ee HUBAAL iyo Maareeyaha fulinta ee HMN,  warqad qaylo dhaan ah ayaanay dabayaaqadii  November  kuugu baaqeen [Madaxweyne] in dawo loo helo qoonta uu soo gaadhsiiyey Sarkaalkani, sharcigana la waafajiyo kiiskooda.

Somaliland Focus waxa ay u baahan tahay in dhibaataynta laga daayo Suxufiyiinta Madaxa banaan, isla markaana aan mililka dusha laga dhayin ee toos loo abbaaro nabarka, xalna haloo helo.  Md. Madaxweyne Dhadhami  cabashooyinka dayaankeedu soo noqnoqonayo ee kasoo yeedhaya Tifaftiraha iyo Maareeyaha HMN  danniga kaga qabaan ciddii April soo weerartay, sharcigana ha loo sinnaado.

Dhacdooyinkan iyo  silsilada taxan ee qaybta ka ahiba waxa ay qodaysaa booraan hadimo oo ay saxaafadda madaxa banaani ku dhacdo, haddii aan laga hor tagin sharcigana lagu dhaqin.

Keliya [Somaliland Focus] waxa ay mar labaad kugu celinaysaa qodobadaas  hore; bartilmaameedka saxaafaddu waxa uu u muuqdaa faaf-reeb shakhsiyadaysan taasina

Ficillada ka dhanka ah saxaafaddu waxa ay summad nasiib darran ku noqonaysaa Maamulka Somaliland ee hadda jira iyo kuwii hore u soo marayba.

Waxa kale oo ay karaar jab ku tahay Ololaha aanu ugu jirno Somaliland iyo xoogga aanu saarayno jiritaankeeda. Waxaanu u baahan nahay in adiga [Madaxweyne) iyo Madaxdaada kaleba  ogsoonaataan muhiimadda uu rukunkani [xorriyatul-qawlku] u leeyahay dimuqraadiyadda, dibindaabyadiisuna ay Iin ku tahay dhamaystirka dawladnimada Somaliland oo soo martay marxalad kala guur ah iyo Xilligan oo xisbiyo  siyaasadeed iyo geedi socod nabadeed ka hana qaadayba, taasoo aad ka midho dhalinteeda nafihiina u hurteen.

Mahad-sanid

Dr. Steve Kibble

Ku xigeenka Madaxa, Somaliland Focus (UK)

WEB: http://www.somalilandfocus.org.uk