“Dambi Maaha in aan WADDANI ku Biiraa, KULMIYEna Inta Cirku ii Jiro ayaannu Isku Jirnaa” Cabdirashiid X. Mataan

Hargeysa(SLpost) Cabdirashiid Xasan Mataan, oo dhawaan iska casilay jagada musharax ku xigeenka Ucid, ayaa sheegay inaanay suuro gal ka ahayn inuu ka mid noqdo xisbiga Kulmiye, kadib warar ku xidhiidhiyay inuu xisbigaasi ka mid noqonayo. Waxa uu tilmaamay inay suuro gal tahay inuu xisbiga WADDANI ku biro.

waxa uu sidoo kale ku dooday inaanay suuro gal ahayn in Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax wakhtigan yahay musharax madaxweyne xigeen oo xisbiga Waddani ah kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan inuu musharax yahay madaxweyne xigeenka hore.

Geesta kale wuxuu ka hadlay xaaladda xisbiga Ucid, isagoo ku dooday in muddadii afarta sanno ahayd ee uu ka mid ahaa Ucid dersay siyaasadda Faysal, islamarkaana aanay suuro gal ahayn in Faysal laga maareeyo xisbiga