Dambi Dhacay Duruus ma ka Baranaa?

“Haddii ay dadku ku kalsoonaan kari waayaan in  dowladdoodu ay gudato waajibaadkii ay u dhisnayd oo ah in ay ilaaliso (Naf iyo maalba) iyo in ay horumariso badhaadhaha bulshada, wax kale oo kastaana waa uu lumayaa” Barak Obama.

Mid ka mid ah jihooyinka uu magaalada Hargeysa ka soo galo laamida wadnaha ee dhowaan lakabka quruxda badan la saaray, ayaa aan ku arkay xariijin si weyn u muuqata oo la dareemayo in ay daqiiqadahaas uun ku samaysantay. Waa ay muuqatay in nabarkan uu sameeyey gaadhi ama shay miisaankiisu culus yahay oo maray laamida. Aniga oo xiisaynaya in aan ogaado qisada nabarkan gaadhay jidka quruxda badan, ayaa aan halacsaday koox dhalinyaro rag u badan ah oo uu dareen ka muuqday, markii aan dhinacooda soo istaagayna waxa aan ogaaday in dareenka jiraa xidhiidh la leeyahay xariijintan aan daba socday. “Gaadhi booliis eryanayo oo taayirradii ay rasaas kaga banjariyeen haddana aan joogsanayn ayaa meesha cararay” Intaa markii uu igu yidhi mid ka mid ah dhalinyaradii goobta taagnayd, ayaa inta uu xariijintii tilmaamay waxa uu ii raaciyey, “Raadkaasi waa daawihii uu ku socday oo laamida jeexay!”

Waxa aan jeclaystay in aan ka war doono bal hadda halka ay qisadaasi biyo dhigato, waxa aanan sii raacay xariijintii oo masaafad aan Toban kilomitir ka yarayn aan daba socday.

Aakhirkiina waxa aan soo gaadhay gaadhi nooca Shaambooga loo yaqaanno ah oo aan ku qiyaasay Lix Ton. Taayirrada lammaan ee dambe ayaa dhinac ka mid ah inta ay labadii shaag ka baxeen daawihii oo googo’ay soo hadhay.  Booliis ayaa ilaalinaya, dad carruur iyo dumar u badan oo aad u tiro badanina waa ay ku xoonsan yihiin. Gartay, in gaadhigani uu yahay ka xariijintii aan daba socday jeexay, markaa waa in aan qisadiisa raadiyaa.

Nin waayeel ah oo dadka ka mid ahaa ayaan weydiiyey, “Adeer gaadhigu muxuu ahaa?!” waxa uu igu jawaabay, “Nin baa Berbera kala soo baxsaday, oo booliiska ayaa eryanayey” Malaha markii uu arkay in aan warkaas la yaabay, ama ficilka ninkani gaadhiga kula soo baxsaday aan dhibsaday ayaa uu haddana igu soo tuuray ereyo u muuqda in uu u qiil raadinayo ficilkan, “Isagaba gaadhi ayaa ka maqan ayaa la yidhi, markaa kan ayuu u soo dhacay, gurigan uu soo ag dhigtayna waa kiisii” Waxa uu ninkan odayga ahi ii sheegay in darawalkii booliisku kexeeyey, gaadhingana ay ciidanka goobta joogaa ilaalinayaan, maadaama oo aanu ku sii socon karin sidan uu hadda ahaa.

Nasiibwanaag, inta aan ka ogahay, baacsashadii ay booliisku ku soo qabanayeen gaadhigani ma’ay sababin khasaare nafeed iyo mid adduun midna, marka laga tago dhaawaca aan badnayn ee gaadhigan ka soo gaadhay taayir la’aantii uu masaafadda badan ku ordayey iyo laamida danta guud ah ee uu iinta u sameeyey, in kasta oo ay yarayd.

Xogta la i siiyey waxa ay ahayd war horraantii, waana ay dhici kartaa in runtu weli maqnayd oo wax iska beddeleen sidaas sheekada la iigu sheegay, waxase maskaxdaydu la yaabtay markiiba, ‘Ninkani gaadhi aan kiisii ahayn ayaa uu soo dhacay, si uu kiisii ugu magdhowdo ama loogu soo celiyo, waxaa ka sii yaab badan in aanu baadiye iyo meel fog la tegin ee uu soo dhigtay xaafaddii uu ka deggenaa magaalada xarunta dowladda Somaliland ah ee Hargeysa oo weliba gurigiisa agtiisii ah. Waxa aan is weydiiyey, “Tol’oow, Ma dowladda joogtay halka uu ka soo dhacay gaadhiga iyo ta joogta halkan uu dhigay ayaa aanu isku mid moodahayn, mise dowladdaba waxba iskagama uu tirinayo ee reerka ninka gaadhigan lahaa ayuu kala soo baqay in ay cidlo ka helaan oo ka qaataan, markaasuu keenay deegaan reerkoodu ku badan yihiin isaga oo og in ay difaacayaan?! Bal adba!

Marka warka la soo koobo, haddii sheekadu sidan la iigu warramay u jirto, dhowr dembi ayaa dhacay, “Ninkan waa la dhacay. Oo waa dembi… Isna gaadhi ayaa uu soo dhacay oo dembi kale… Sharciga uu gacantiisa ku qaatayna waa dembi kale.. danta guud ee laamidani ay ugu horreyso ee uu khasaaraha gaadhsiiyeyna waa dembi kale. Dembi dhacayna ciqaab iyo xisaabtan ma’ ogi ee, cudur daar iyo u qiil deyid ma’ laha. Laakiin haddana, dembiga dhaca in la derso oo duruus laga bartaana waa arrin muhiim u ah dowladnimada. Aniga waxaa igu soo dhacay laba arrimood:

Dowladnimada iyo Soomaalida:

In kasta oo ay Soomaalidu dowladnimo soo sheeganaysay in ka badan nus qarni, lagana filayey in ay ilbaxnimo, waayo-aragnimo iyo aqoon ka korodhsadeen, haddana waxaa weli maskaxdooda qaybteeda dambe ku dheggen hab-nololeedkii reer guuraaga ee ay ku soo barbaareen ama awoowyadood caqiidada uga dhigeen. Waa dabeecaddii ahayd is-garbintii dhul-daaqsimeedka la kala ceshanayey oo magaalooyinkii loo soo raray, noloshii ku dhisnayd, “Xoolahaaga xooggaaga ku cesho oo weli ay aaminsan yihiin” … “Cid aan tolkaa ahayn hiil ha ka sugin” oo weli ah mabda’a innagu weyn iyo hal-ku-dheggii ahaa, “Nin aan shantaadu kaa celin sharci kaama celiyo” oo ah xujada ugu mudan ee ay garsoorkooda ku dhisaan, cadaaladdana ku raadiyaan.

In kasta oo falkan  uu qof keliyi ku kacay, umadda oo dhanna aan muunad looga qaadan karin, haddana waxa aan is leeyahay qisadan waxaa ka muuqda in dadkeennu aanay weli baran nidaamka iyo kala dambaynta iyo in sababta dowladnimada loo samaystay ay tahay in tol iyo garab ay u noqoto qofka oo uu iyada ka magan galo wixii dhib ku ah naftiisa, maxastiisa iyo maalkiisa, ciddii uu dulmi iyo dhibaato ka tirsanayana uu iyada u wakiisho in ay xaqa kamaqan uga soo dhiciso.

Xikmadda ku jirtaana waa in aanay dadkii weli aaminin dowladnimada. In kasta oo sababta keentay aamin darradaasna, ay dad badani siyaabo kala duwan u dhigi karaan, aniguse hadda uma socdo in aan sii galo dooddaas.

Dowladdii uu ninkani aamini lahaa ma jirtaa?

Waa su’aasha ugu weyn ee marka qodobkaas hore la eego qofka ku soo dhici karta. Haddaba tan iyo markii ay Soomaalidu dowladnimada qaadatay, weli sooma ay marin dowlad ay sidii la rabay haakah ku yidhaahdaan garsoorkeeda iyo in ay muwaadiniinta sinnaan ku dhaqdo. Caddaalad darro, eex, qaraabo kiil iyo qabyaalad ayaa ay uga barteen dowladnimadii u dhalatay, weji-ku-macaash iyo dillaaliin xaqa dadka ka baayacmushtara ayaaana taladoodii ay gacanta u gashay. Illaa ay dad badan isula ekaadeenba dulmigii iyo dowladnimadii.

Intii ay Somaliland dhisantayna sunnahaas wax badani iskama ay beddelin, oo dowladihii kala dambeeyey intaas aynu kor ku soo xusnay waxaaba u sii dheeraa tamar darnaan badan oo badhkeed gar yahay, maadaama oo qaranku yagleel ahaa, dal iyo dad burburayna dib loo soo dhisayey. Si kastaba ha ahaato ee, gaabis badan oo badheedh ku jiro ayaa isna keenay in xukuumadihii kala dambeeyey ay muwaadinka ka kasban kari waayeen kalsooni. Dowladnimadiina waxa ay noqotay mid cidda jeebka roon iyo inta mansabka haysa reerkooda uun u adeegta ama loo tuhumo in ay u adegayso. Muwaadin kastaa waxa uu marag ka yahay boqollaal dacwadood oo si xaq-darro ah looga garsooray, ama lagu dhameeyey xeer jajab kii garta lahaa la ogolaysiyey in uu xaqiisa badh ka tago. Muwaadin kastaa waxa uu og yahay tobannaan dacwadood oo intii qarankani dhisnaaba maxkamadaha yaallay, waxa uu og yahay dembiileyaal aan helin ciqaabtii ay mudnaayeen iyo dowlad “Keen” mooyee aanu “Hoo” kaba arag. Markaasay ku adkaatay in uu dowladnimada aaminaa. Taasi waxa ay keeni kartaa in dembiyo sida kan aan ka waramayey oo kale ahi dhacaan, oo muwaadinka dembi loo geystaa uu sharciga gacantiisa ku raadsado iyo in dowladnimadu hana qaadi kari weydo. Waajibka koowaad ee dowlad kasta saaranina waa in ay kor u qaaddo aqoonta iyo wacyiga muwaadiniinta, kana samaysato kalsooni, haddii kale wax kasta oo dowladnimada lafteedu ugu weyntahay waa la waayi doonaa.

Kamaal Axmed Cali