Dalladda Midaysa Ururrada aan Dawliga ahayn ee Xuquul Insaanka oo Cambaareeyey Laba Fal oo Shalay Hargeysa ka dhacay

Hargeysa, 16 April, 2012 (SLpost)- Dalladda Isku xidha ururrada Xuquuqal-insaanka ee aan Dawliga ahayn ee Somaliland ayaa cambaareeyey fal ciidamada Amaanku waxyeello ugu geysteen dad Rayid ah Shaqaaqo shalay ka dhacday agagaarka Sariibadda Inji ee xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa.

Waxay sidoo kale si weyn u cambaareeyeen dhacdadii shalay lagula kacay guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shalay xilka lagaga xayuubiyey shirkii golaha Dhexe ee Xisbiga.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Dalladda Isku-xidhka ururrada aan Dawliga ahayn ee Xuquuqal-Insaanka u dooda Mr. Maxamed Cabdalle Cilmi ayaa u dhignaa sidan:

“Isku-xidhka aan dawliga ahayn ee ururada xuquuqal insaanka Somaliland wuxuu halkan ku canbaaraynayaa falkii ciidamo ka tirsan booliska ay 15/4/2012  ku dhaawaceen dad rayida oo degan xaruntii inji ee xaafada Oktoobar,falalka noocan ahi waa kuwo marar badan soo noqnoqday  oo aan loo baahnayn,waxa ku waajiba masuuliyiinta xukuumada ee arintani khusayso in ay wax ka qabtaan sidii falalka noocan ah loo joojin lahaa.

Sidoo kale waxanu halkan ka canbaaraynaynaa falkii isla 15.4.2012 lagu farsaaray dhaawcna loogu geystay md C/raxmaan C/qaadir Faarax gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbul xaakimka Kulmiye xili uu ka qayb gelayay shirweynihii golaha dhexe.

Dhacdadani waxay u muuqatay  mid lidi ku ah sharfta iyo karaamada muwaadinka,taas oo ay waajib tahay in loo dhawro,lagana ilaaliyo wixii dhaawac u geysanaya jidh ahaan iyo maskax ahaanba.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net