Dalka Turkiga oo Sadhig Milatari ka samaystay Soomaaliya, Goobta laga hirgeliyey iyo Hawl-gallada laga fulinayo

Soomaaliya oo noqotay dalkii ugu horreeyey Afrika ee Marti-galiya Milatariga dalka Turkiga

Ankara (SLpost)- Waddanka Turkiga ayaa bilaabay inuu Hawl-galiyo Saldhig Milatari oo uu ka samaystay Caasimadda dalkaasi Soomaaliya, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyey ee dawladda Turkigu ka samaysato qaaradda Afrika. Saldhigga Milatari ayaa xarun u noqon doona Saraakiil u dhashay dalka Turkiga si ay u tabobaraan Ciidamada Soomaali ee dagaalka kula jira ururka Al-Shabaab.

turkey-milatary-base-somalia-2Sida aanu ka soo xigannay Wargeyska maalinlaha ah ee Daily Sabah oo ka soo baxa caasimadda Turkiga, Saldhiggan Milatari oo laga ansixiyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa noqonaya saldhiggii labaad ee dalka Turkigu ka samaysto meel dibadda ah waddankaas. Waxaana ka horreeyey saldhig Milatari oo bishii April ee sannadkan laga aasaasay waddanka Qatar kaas oo qayb ka ah is-kaashi xagga ammaanka ah ee dhexmaray labada waddan.

Hawl-galka Milatari ee dalka Turkigu ka bilaabay Soomaaliya, waxa wejigiisa koowaad laga hawl-galinayaa 200 oo saraakiil ka tirsan Milatariga Turkiga, si ay u tabobaraan in ka badan 10,500 askar Soomaali ah.

turkey-milatary-base-somalia-1Waddanka Turkiga ayaa shantii sannadood ee u dambeysay taageero milatari iyo mid dhaqaaleba ku bixinayay dhismaha dawladnimada taagta daran ee Soomaaliya, taas oo qayb ka ah heshiis iskaashi oo dhexmaray labada dawladood.

Dawladda Turkiga ee uu hoggaamiyo madaxweyne Erdogan ayaa dalka Soomaaliya ugu deeqay gar-gaar lagu qiyaasay inka badan 400 milyan oo Dollar, kaas oo noqonaya deeqdii ugu badnayn ee dalkaasi helo wakhti dalkaasi ku jiray xaalad adag oo macaluul iyo abaaro ba’ani saameeyeen bulshooyinka reer Guuraaga ah.

SOMALILANDPOST.NET