Dalka Turkey oo shidaal-baadhis ka bilaabaya Soomaaliya

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Turkiga Rejab Teyib Erdogan ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ka dalbatay inuu Shidaal ka baadho Dalka Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in Madaxweyne Erdogan uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ku marti-qaadday in Turkigu uu shidaal ka baadho Soomaaliya.

“Waxaa jira dalab nooga yimid Soomaaliya, waxaana ay yidhaahdeen shidaal ayaa ku jira baddayada.” ayuu yidhi, Madaxweyne Erdogan oo u warramay Telefiishanka NTV oo Reuters soo xigatay.

Erdogan oo Magalaada Berlin ee dalka Jarmalka oo uu kaga qayb-galay shirweyne caalami ah, ayaa mar uu kula hadlayay Weriyeyaasha waxaa uu sheegay in Turkiga uu qaadi doona tallaaba la xidhiidha casuumadda uga timid Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal warka ka soo baxay Madaxweynaha Turkiga.