Dalka Tajikistan Oo Dad Laba Kun Ku Dhaw Gadhka Khasab Lagaga Xiiray

Tajikistan(SLpost)-Dowlada Tajikistan ayaa ku dhawaaqday olole ay sheegtay inay kula dagaalameyso kooxaha islaamiga ah ee ku sugan wadankaasi, waxayna xukuumada dalkaasi ka talisa soo rogtay sharciyo lala yaabay oo ay kamid tahay in gadhka laga xiiro dadka lagu tuhmo xagjirnimada.

Dalkaasi ayey sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayeen kooxo xagjir ah oo la dagaalamaya dowlada militariga ee dalkaasi ka taliso oo uu hogaamiyo Madaxweyne Emomali Rahmon.

Ciidamada wadankaasi ayaa la sheegay inay todobaadkan gadhka si khasab ah uga xiireen rag gaadhaya 13.000, waxaa sidoo kale sharciga cusub ee la dagaalanka argagaxisada lagu xidhay dukaano badan oo lagu iibiyo dharka asal ahaan kasoo jeeda dalalka Carabta.

Go’aanadan adag ayaa waxaa kasii horeeyey sharci cusub ee badhtamihii bishan Janaayo looga mamnuucay dalkaasi dhamaan isticmaalka Magacyada CARABIGA ah, waalidiinta ayaa sidoo kale loo sheegay in caruurtooda u bixiyaan magacyada taariikh ahaa la bixi jireen ummadaasi, sharcigaasi oo uu ansixiyey baarlamaanka wadankaasi. Waxaa sidoo kale wadankaasi laga mamnuucay Niqaabka.

Wadanka Tajikistan oo shacabkiisa u badan yihiin Muslimiin ayaa horey uga mid ahaan jiray dalalkii Sofiyeetka wuxuuna xaduud la wadaagaa wadanka Afghanistan.

Dhalinyaro badan oo wadankaasi kasoo jeeda ayaa la sheegay inay ku biireen kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa wadamada Siiriya iyo Ciraaq, waxayna kooxdaasi xiligan xarumo ka sameysatay gudaha dalka Afghanistaan oo xaduuda laleh dalka Tajikistan.