“Dalka Somaliland Waa Dal Ku Taagan Jirrido Adag oo Duufaan Siyaasadeed Kastaa aanu Ruxi Karin” Kaysar

 

Hargeysa (SLpost):- Wasiir Kuxigeenka cusub ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland Ambassador Kaysar Cabdilaahi Maxamed, ayaa sheegay inuu dalka Somaliland jirido adag ku taagan yahay, isla markaana aanay duufaan Siyaasadeed oo kastaa ruxi Karin. Wasiir Kaysar waxa uu sidaa ku sheegay Xafladii uu Isniintii dorraad xilka kula wareegay, isla markaana waxa uu balanqaaday inuu si cadaalada iyo hawl-karnimo ah ku shaqeyn doono. Wasiir Kuxigeenka cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Ambassador Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi

“Wasiir Kuxigeenkii hore ee Bashiir Cabdi Xariir oo ah masuul aad iyo aad u soo shaqeeyey oo ah nin karti baddan oo aan shakhsiyan garanayo, oo aad iyo aad u soo shaqeeyey, markii uu Madaxtooyada joogay iyo markii uu Wasaarada joogayba.

 

Waxaan ka war-qabaa inay wasaaradani shaqaalaheedu yihiin kuwo aad iyo aad u firfircoon sidaan war-bixinta ku hayo, dedaal badana ay muujiyeen 25-kii sanadood ee aynu jirnay.runtii waa marxalado la is daba socdo, dawladiba dawlad ayay ka bedelaysay, shaqaaleba shaqaalu bedelayay, Wasiir-ba Wasiir ayuu bedelayay, Waxaan maqlayay inay wasaaradan soo mareen 19-Wasiir, marka si loo eego waa naxdin, markaad eegto degenaanshaha Siyaasadeed wax ayaa laga sawiran karaa, marka si loo eegana inay muwaadiniintu fursado helaan oo ay 19 muwadin is-bedeleen iyaduna waa dan.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Maadama uu dalkeenu yahay dal aan la qoonsanin oo yar, in muwaadiniinta fursado la siiyo, waa muhiim dhinaca kale”.

 

“Waxaan rajeynayaa wixii awoodayda ah halka uu soo gaadhsiiyay Wasiir kuxigeenkeenii hore iyo masuuliyiintii horeba inaan ka sii wadno, waxa muuqata oo runtii la qirayaa, intii ay jirtay xukuumaddan uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), in horumar balaadhan lagu talaabsaday, oo aan ahayn ganacsiga oo kaliya, laakin dhinacyo baddan Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga wax aynu halkan ku tilmaami karno maaha,laakin waa wax uu muwaadin kasta oo si fiican u fikiraa uu tilmaami karo, waxaan rajaynaa inay halkaasi ka sii socon doonto.”

 

“Waxaan balanqaadayaa waxa innaga dhaxayn doonaa inay tahay shaqo, waxaynu u baahanahay shaqo, oo qofkasta oo shaqaale ah waxa laga rabaa shaqo, waxaynu u baahanahay inaynu dalkeena wax u qabo. Qofkasta shaqadiisa uu ka soo baxo, shaqadaasi la isku qiimeeyo, markaa msuuliyiintii shan iyo labaatanka sanadood halka ay soo gaadhsiyeen hore looga sii waddo, oo la is garab qabto, oo la isa-saxo, iyada oo uu Wasiirkeenuna uu inagu hogaaminayo, oo aynu ku socon doono shuruucda u dejisan dalka.Markaa waxaan jecelahay inaad halkasi dedaalka ka sii wadaan,oo uu qofkasta deib u eego maxaa ka dhiman shaqadaada? Xageed wax ka qaban kartaa? Waxaan diyaar u ahay waxkasta oo aan idin la qaban karo inaan idinla qabto.”

 

Mar uu Wasiir Kaysar Maxamed ka hadlayay sida uu u arko Wasiirdii is-casilay waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan uga xumahay masuuliyiinta faraha baddan ee shaqada ka tagay, Wasiiradeeni, Wasiir Kuxigeenadeeni, oo uu Bashiir Cabdi Xariir ka mid yahay, runtii waxay ahaayeen niman qaaliya oo dalkooda u soo shaqeeyey, muwaadiniin daacad ah, oo runtii la amaanayo shaqada ay soo qabteen.run ahaan waxaan ka xumahay inay go’aankaasi qaateen, inkasta oo aynu nahay waddan dimuqraadiya qofkasta uu xaq u leeyahay inuu is-casilo, hadana go’aanka ay qaateen ee wada-jirka ahi oo weliba runtii aan ku saleysnayn xaqiiq buuxda, waayo meelnaba lagama maqal Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo yidhi murashaxaa ayaan taageeray, wax cad oo qoraal ah, maqal iyo muuqaal-toona ma jiro. Murrashaxa imika taagan ee ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi dadweynaha uu u caddeeyay inaanu Madaxweynuhu taageerin. Waxaanan runtii ka xumahay in msuuliyiin fara baddan oo qiimo lahaa si yar degdeg ku jiro oo hubsiimo baddan u baahnayd inay isku casileen.taas waxaan filayaa inay nasiib-darro ahayd, dalkeenuna waa dal dhisan waxyaabo baddan u soo joogay, is-maqal, isku tanaasul, lagu dhameyn doono. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dalka Somaliland waa dal jirido adag ku taagan, isla markaanaduufaan kasta oo Siyaasadeed aanu ruxi karin, waana taa ta kalsoonida lagu qabaa, isla markaana nidaamkooda dimuqraadiga ah iyo dawladnimadoodu aanay ahayn circa ka soo dhac, ee ay tahay mid maalinba maalinta ka sii danbeysa soo koreysay, taas ayaynu sii wadi doonaa, taas ayaa la iska bedeli doonaa,”