Dalka Jarmalka oo Isku Diyaarinaya Inuu Qaabilo Qaxoonti Hor Leh

 

Jarmalka(SLpost)-Ra’iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa booqanaysa xarun qaxooti oo ay gubeen kooxo mayal adag toddobaakii hore dhamaadkiisii.

34AH

Waxay ku tilmaantay weerarka dad mudaaharaadayay bariga Jarmalka ee magaalada Heidenau wax xun oo ceeb ah.

Masuuliyiinta Jarmalka ayaa wax ka qabanaya weeraro ku soo badanaya xarumaha qaxootiga. Jarmalka ayaa isku diyaarinaya inay soo gaaraan qiyaastii sanadkan siddeed boqol oo kun oo qof oo qaxooti ah.

Naceebka loo qabo dadka ajnabiga wuxuu ku badan yahay bariga Jarmalka, oo dhaqaale ahaan wali ka danbaysa galbeedka Jarmalka labaayan iyo shan sanno kadib markii ay isku darsameen.