Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Marti-galinaya Shir loo qabanayo Somalia oo wejigiisii hore Somaliland ka qayb-gashay

Dubai (SLpost)- Wadanka Imaaraadka Carabta magaaladiisa Dubai, ayaa marti gallin doonta kulanka Maalgashiga Soomaaliya ee sanadkan 2014-Ka oo la qorsheeyey inuu qabsoomo 6da  ilaa 7 Bisha April.

Golaha dhaqaalaha Soomaaliya (Somalia Economic Forum), ayaa la sheegay inuu gadh-wadeen ka noqon doono qaban qaabada iyo habsami u socodka shirka sanadkan  oo diirada lagu saari doono fursadaha ganacsi ee iyo sii xoojinta dib u dhiska Wadanka Soomaaliya.

somaliXukuumada Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisa sida ay uga go’an tahay xidhiidh wanaagsan oo ay la yeelato maalgashatada, wadamada warshadaha ku horumaray, ururada iyo hayadaha caalamiga ah iyo kuwa dowliga ahba.

In ka badan 250 madax ka socota shirkadaha waaweyn ee dawladaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, Maalgashadeyaal caalami ah iyo xeeldheerayaasha dhinaca ganacsiga, ayaa la rajaynayaa inay ka soo qayb gallaan kulanka Dubai, si ay uga qayb galaan doodaha maalgashi ee halkaas lagu yeelanayo.

Shirkii kan ka horeeyey ee Maalgashiga Soomaaliya (SIS) oo sanadkii 2013 bishii May lagu qabtay Magalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, ayaa sidoo kale lagaga dooday hanaanka ugu wanaagsan ee loo maalgashan karo wadanka Soomaaliya.

Shirka sannadkii hore lagu qabtay Nairobi, ayaa xukuumadda Somaliland goob-joog ka ahayd iyada oo uu uga qayb-galay wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed Saleebaan Cumar, iyada oo xukuumaddu markii hore sheegtay inaanay ka qayb-gali doonin shirkaasi isla markaana aanu khusayn, waxaanay arrintani si weyn u cambaareeyey axsaabta mucaaradka ah, haseyeeshee lama garan karo in Xukuumadda Somaliland doorkan ka qayb-gali doonto iyo in kale.

SOMALILANDPOST.NET