Dalka Ingiriiska Oo Doorasho Uu Ku Kala Dooranayo Ka Bixitaanka Midawga Yurub Iyo Ku Sii Jiridiisa Looga Dareerayo

EU(SLpost)-Raiisal wasaaraha Britain,David Cameron,ayaa ku dhawaaqay in 23ka june dadka Britain ay ka codeyn doonaan afti dadweyne oo loo qaadayo in dalku uu baaqi ku sii ahaado midowga yurub iyo in kale..

Wuxuu ka hadlayey xafiiskiisa,wuxuuna sheegay inuu dadka kula talinayo in laga sii mid ahaado EU,markii uu sheegay inuu heshiis wax ka bedelaya xiriirka UK iyo EU uu la soo galay madaxda EU. wuxuuna sheegay in heshiiskun ahaa mid ka mid ah go’aanadii ugu waaweynaa ee dalka soo wajahay.

Hase ahatee dhowr ka mid ah xubnaha golaha wasiiradiisa ayaa u ololeynay sidii Britain ay uga bixi lahayd midowga yurub,sababtoo ah waxay sheegeen in heshiiska Brussels aanu ku filneyn mid sugi kara madax qaranimada.