Dalka Imaaraadka Carabta oo Qalab Caafimaad Casri iyo Daawooyin tiro badan ugu deeqay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa qalab Caafimaad oo casri ah iyo Daawooyin kala duwan oo deeq ah kala wareegay hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta.

Qalabka Caafimaad iyo Daawooyinka oo wareejinteeda munaasibad loogu qabtay gudaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Cusbitaalka Guud, madax ka kala socotay Hay’adaha Bisha Cas ee Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta. Qalabkan ayaa  waxa ka mid ah qalab casri ah oo loogu talo-galay baadhista iyo daaweynta Indhaha iyo sidoo kale qalab kale oo kala duwan.

Munaasibadda waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo sharraxaad ka bixiyey noocyada kala duwan ee Deeqda caafimaad ee waddanka Imaaraadku ugu deeqay Somaliland, waxaanu sheegay in deeqda caafimaad ay ku jiraan Qalab muhiim ah oo Qayb laxaad leh ka qaadanaya adeegyada Caafimaad ee Cusbitaalka Guud.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE