Dalka Iiran oo ku Gacan-saydhay Kaalmo Maraykanku ugu Yaboobay

 

Tehran (SLpost)- Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa ku gacan-saydhay dalab uu Mareykanka ugu soo bandhigay in Iran la siiyo kaalmo dhaqaale si gacan looga siiyo dagaalka ka dhanka ah Caabuqa CoronaVirus oo faro baas ku haya dalkaas.

Khudbad uu telefishinka dalkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in Mareykanku yahay cadowga ugu xun ee Iiraan, sidaas awgeed aanay aqbalayn inuu ka taageero caabuqa Koronofayras isagoo sheegay in Mareykanka ay wadaan shirqoolo taasi oo ay horey uga shanqariyeen saraakiisha Shiinaha oo sheegay in Mareykanka ay masuul ka yihiin cudurkan coronavirus .

“Ma ogin in ay jirto eedeyntan, balse ma jirto qofka maskaxdiisa ay caadi tahay oo aaminaya in ay daawo noo keenaan?” ayuu yidhi Ayatollah Cali Khamenei, isagoo intaas ku daray, “Waxa suuragal ah in daawadiina ay tahay qaab lagu fidinayo caabuqa coronavirus.”

Saraakiisha kale ee reer Iiraan ayaa dhankooda ku eedeeyeen Mareykanka in uu wado munaafuqnimo marka uu kaalmo u ballanqaadayo Iiraan, iyada oo uu diidayo in uu cunaqabataynta ka qaado Iiraan.

Dalka Iiraan ayaa ka mid ah dalalka uu faraha ba’an ku hayo cudurka Covid-19 tan iyo intii uu cudurka caalamka ka dilaacay, waxaanu gaar ahaan noqonayaa dalka tirada ugu badan uu soo ritay cudurkan guud ahaan dalalka bariga dhexe.

In ka badan 21,600 ayuu cudurkan soo ritay guud ahaan dalkaasi Iiraan. Tirada cudurka coronavirus ugu dhimatay imika gaadhaysa 1,685 qof. Balse waxaa laga walaacsan yahay in tirada cudurka u dhimatay iyo inta uu soo ritay ay intaasi ka badan tahay.

Waxaa dowldda Iiraan saaran cunaqabatayn taasi oo xaaladda si murgisay cunaqabataynta saaran awgeed iyadoo aanay dalka dibaddiisa ka keensan karin wax daawooyin ah.

Somalilandpost.net