Dalka Finland Oo Dhaqaalahiisu Hoos Ugu Dhacay Sababo Ay Ka Mid Yihiin Da’da Dadka Oo Waaweynaatay iyo Isticmaalka Waraaqaha Oo Hoos U Dhacay

Finland(SLpost)-Tiro cusub oo soo baxday oo ku saabsan dhaqaalaha 2015 ee Finland ayaa sheegaysa inay ku sigatay sanadkii afraad ee dhaqaalaha uu hoos u dhacayo, kororka ayaa ahaa mid yar, mustaqbalkana ma aha mid fiican.

Kororka wax soo saarka dalka (GDP) ayaa haa 7% kaasoo ka hooseeya halkii uu gaaray 2007-dii ka hor dhibaatadii dhaqaalaha intaysan dhicin.

Waddamada Yurub intooda badan ayaa ku soo noqday wax soo saarkooda (GDP) meeshii ay joogeen 2007-dii iyo wax ka badan. Waddanka Ireland ayaa ka mid ah waddamada dhaqaalahooda uu kordhay.

Koror la’aanta dhaqaalaha Finland ayaa laga arkay tirada shaqo la’aanta, taasoo ah 9.5%.

Dhibaatada halkay ka socotaa?

Sanadkii 2014, Mr Stubb oo ahaa ra’iisalwasaaraha waqtigaas, ayaa jaraa’idka u sheegay in shirkadda Apple ay shaqooyinka ka qaadatay, wuxuu ka waday, Alaabada Apple ayaa tartan culus u keenay Finland.

Mid waa shirkada Nokia oo adduunka ka noqotay caan telefoonadooda gacanta, laakiin waxay ku guul daraysatay tartankii kaga yimid Apple iPhone iyo telefoonada kale ee smartphone-ka. Saamaynta ay ku yeelatay dhaqaalaha Finland ayaa ahaa mid wayn, hadii aad ka eegtid dhinaca teknolojiyada ee ay Nokia qayb ka ahayd.

Ganacsiga kale ee hoos uga dhacay Finland ayaa ah kaymaha oo laga sameeyo waraaqaha wax lagu daabaco, sida ay sheegtay hay’adda baarista dhaqaalaha ee madaxa banaan ee Helisinki (ETLA).

Baahida loo qabo waraaqaha ayaa hoos u dhacday kadib markii korortay waxa lagu daabaco internetka. Dhibaatooyinka kale ee haysta dhaqaalaha Finland waxaa ka mid ah waddamada dariska la ah oo ay ka mid tahay Ruushka, ma aha markii ugu horaysay oo ay saamayn ku yeesheen dhaqaalaha Finland waddamada xuduudda la leh.

Dhibaatada dhaqaale ee Ruushka ka jirta oo ay keentay shidaalka hoos u dhacay ayaa saameeyay Finland, sidoo kale waxaa saameeyay cunaqabataynta Midowga Yurub ay ku soo rogtay Ruushka iyo Ruushka cunaqabataynta uu ku rogay Midowga Yurub alaabada ka timaada.

Dadka reer Finland ayaa da’dooda ay waynaanaysaa, taasoo micnaheedu yahay dadka shaqeeya iyo lacagta ay sameeyaan oo yaraanaysa iyo canshuurta laga qaadayo.