Dalka Faransiiska oo Maraakiib dagaal u diraya Xeebaha Soomaaliya

Djibouti, 12 July 2012(Ogaal)–Dawladda Faransiiska oo dhawaan loo magacaabay in ay qabato hoggaanka howl-galka la dagaalanka Budhcad-badeedda ee Midowga Yurub, ayaa shaacisay in ay u soo direyso Xeebaha dalka Soomaaliya markab dagaal oo nooca diyaaradaha qaadi kara ah oo lagu magacaabo Charles de Gaulle kaas oo qayb noqonaya howlgalka la dagaalanka budhcad-badeedda Soomaalida.

Admiral Manso oo ah Taliyaha cusub ee howlgalka la dagaalanka budhcad-badeedda oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday dalka Jabuuti, ayaa sheegay in dawladda Faransiiska ay dar-dar xooggan la soo bixi doonto taasi oo lagu wiiqayo awoodda budhcad-badeedda,  isagoo shaaca ka qaaday  in markab dagaal ay maalmaha soo socda kusoo biirin doonaan howlgalka Atlanta ee ka dhanka ah budhcad-badeedda Soomaalida.

Taliye Manso ayaa sidoo kale sheegay inay dowladda Faransiika isbeddel ku sameyn doonto howlgalka lagula dagaalamayo budhcad-badeedda, waxaana uu carrabka ku dhuftay inay wakhtigan jirto hoos u dhac ku yimi howl-gallada budhcad-badeeddu ay ku qafaalan jireen maraakiibta, taasina ay ku sii dhiiri-galin doonto inay waxweyn ka qabtaan falalka gurracan ee budhcad-badeedda. 

Somalilandpost.net