Dalalka Somaliland Ka Taageera Dimuqraadiyadda Oo Hargeysa Ku Soo Socda, Iyagoo Ka Walaacsan Muddo Kordhin

Hargeysa  (SL.Post) Dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa ku soo socda magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyagoo ka walaacsan go’aanka la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyo golaha wakiilada ee ah in labada doorasho la kala qaado, golaha wakiiladana loo kordhiyo muddo laba sannadood ah.

 

Dalalka Taageera Dimuqraadiyadda Somaliland Oo Hargeysa Ku Soo Socda Iyagoo Ka Walaacsan Muddo Kordhin Madaxweynuhu U Samaynayo Golaha Wakiilada

 

 

 

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in dalalkan oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, la filayo inay toddobaadkan soo gaadhaan magaalada Hargeysa si ay kulan ula yeeshaan Madaxweyne Silaanyo, guddiga doorashooyinka iyo asxaabta qaranka, waxaanay dhinacyadan soo gaadhsiinayaan dhambaal walaac ah oo ay ku muujinayaan mawqifkooda labada doorasho oo la kala reebo.

 

 

Ilahani waxay intaas ku dareen suurtogalnimada in beesha caalamku kaga dhabayso hanjabaad ay hore ugu sheegeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ah inaanay doorashada madaxtooyadana maalgelin doonin haddii la kala qaado labada doorasho.

 

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sida ay warar soo baxayaa sheegayaan wuxuu golaha wakiilada u gudbin doonaa soo jeedin uu kaga dalbanayo inay ansixiyaan in la kala qaado labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada, dibna loo dhigo doorashada golaha wakiilada oo muddo laba sanno ah loo kordhiyo xildhibaanada hadda fadhiya oo la doortay sannadkii 2005.

 

 

 

Dad badan oo aqoon u leh xidhiidhka caalamka ayaa aaminsan in golaha wakiilada oo mar kale laba sannadood loo kordhiyo iyo labada dooraho oo la kala qaadaa ay dhaawac u gaysanayso nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa