Dalalka Naamibiya iyo Jarmalka oo isweydaarsaday Hadhaaga Shacabka la Xasuuqay Qarni ka hor

skullWindhoek (SLpost)- Madaxweynaha dalka Naamiibiya Hifikepunye Pohamba, ayaa sheegay in xukuumadiisu sii wadi doonto la soo noqoshada Qalfoofka geesiyaashoodii ee ku dhintay dalka dibediisa xilligii halgankii xornimo-doonka.

“Hawlgalka la soo noqoshada hadhaagii geesiyaasha dalka ee la qaatay ama dalka dibediisa yaala weli ma dhamaan. Waanu sii wadi doonaa hawshaa taariikhiga ee waajibku naga saran yahay ee sharaftooda,” ayuu sheegya Madaxweyne Pohamba,” ayuu yidhi Madaxweynaha Namibia.

Madaxweyne Pohamba ayaa hadalkan ka jeediyey munaasibad aas loogu sameeyey beerta Baarlamaanka dalkaas 35 qalfoof madax iyo lafaha laba qof oo laga soo qaaday dalka Jarmalka.

Hadhaaga qalfoofkan ayaa ahaa dad ciidamadii gumaystaha Jarmalku ku xasuuqay dagaaladii Herero iyo Nama oo dhacay sannadihii 1904 iyo 1908-kii, kaas oo ah taariikhda xasuuqii ugu horeeyey ee shacab lagu sameeyo xilligii guumaystaha reer Yurub qaybsadeen dalalka Afrika.

Madaxweynaha Namibia ayaa sheegay in qalfoofkan la dhigi doono matfaxka xusuusta, si ay xusuus taariikheed ugu noqoto dadka Naamiibiya.

Dhinaca kale, jaamacada Freiburg ee dalka Germany oo dhamaysay baadhitaano ay ku samaynaysay qalfoofkan ayaa gudoomiyaheedu Prof. Dr. Hans-Jochen Schiewer uu munaasibaddii wareejinta qalfoofkan ka sheegay,  “Sharci-darrada haysashada qalfoofkan waxuu ka mid yahay khaladaadkii madoobaa ee taariikhda Yurub iyo jaamacadan. Waan ku faraxsanahay inaan hantidan ku wareejino halkeedii, waanan ka murugaysanahay waxaa dhacay,” ayuu sheegay Schiewer.

Dhinaca kale, tallaabadan ay labada waddan kula kala wareegeen Hadhaaga Qalfoofka shacabkaas la xasuuqay, ayaa dhiirri-gelinaysa inay Somaliland samayso qorshe ay kula soo wareegto shacabkii lagu xasuuqay xeebta Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, kuwaas oo qoysaskoodu ilaa wakhtigan fursad u la’ yihiin inay dib u aasaan qaraabadooda lagu xasuuqay dhacdaadaas.

Dawladdii Kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, ayaa xilli habeenimo ah guryahooda magaalada Muqdisho kala baxday muwadiiniin u dhashay Somaliland oo tiradoodu lagu qiyaasay boqol ku-dhawaad, kuwaas oo inta la geeyey xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho, si wadar ah loogu xasuuqay halkaas.

Dhacdadan waxa fashilyey mid ka mid ah dadkii lagu fuliyey xasuuqan, balse isaga nasiibkiisu ka badbaadiyey dhacdadaas.