Daladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo Qabatay Kulan Lagu Gorfeeyey Dhibaatooyinka iyo Caqabadaha Kala Duwan ee Horyaal Saxaafadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Kulan lagu falanqeeyey xaaladaha warbaahinta Somaliland ku sugan tahay maanta, dhibaatooyinka iyo caqabadaha horyaal, ayaa lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay dallada ay ku midoobeen ururradda aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF), waxa ka qaybgalay masuuliyiinta ururrada saxaafadda ee SOLJA, USJ, WIJA, SSJW, guddida saxaafadda madaxa bannaan, madaxda telefishannada, wargeysyada, Website-yada, odayaasha ruug-cadaaga ah ee saxaafadda, qareenno iyo qaybo ka mid ah ururrada bulshadda rayidka ah, waxa lagaga dooday, isla markaana lagu fallanqeeyey xaaladda saxaafadda Somaliland ku sugan tahay xilligan lagu jiro, caqabadaha warbaahinta haysta iyo qaabka xal loogu raadin karo duruufaha saxaafadda ku gedaaman.

sonsafGuddoomiyaha ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF) Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo furitaankii kulankaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ujeeddada iyo muhiimmada kulankaas loo qabtay la xidhiidho sidii saxaafaddu uga doodi lahayd, isla markaana u soo bandhigi lahayd duruufaha iyo caqabadaha kala duwan ee haysta iyo qaabka durufahaas wax looga qaban karo.

“SONSAF waa meel ay ku midaysan yihiin, xubnana ka yihiin dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda aan dawliga ahayn oo saxaafadduna ka mid tahay, waxa aannu ka shaqaynaa, waxna ka qabanaa hadba xaaladda taagan ee u baahan in kulamo iyo shirar laga yeesho si wax looga qabto, natiijo wax-ku-ool ahna looga soo saaro, markaa waxaannu saxaafadda isugu yeedhnay in la darso dhibaatooyinka taagan, iyadoo kulankanina gogol-xaadh u yahay shirweyne dhawaan la qaban doono oo ay isugu iman doonaan qaybaha kala duwan ee daneeya (stake holders) saxaafadda, markastana waxaannu ka shaqaynaynaa wixii dan iyo faa’iido u ah saxaafadda iyo ururrada aan dawliga ahayn ee aannu metelno ama xubnaha ka ah SONSAF,” ayuu yidhi Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay dhibaatooyinka ay warbaahintu la kulanto, isaga oo sheegay inay sidoo kale aanay meesha ka madhnayn in saxaafadda lafteedu dhib gaysato isagoo tilmaamay in waxa qudha ee dhibaatooyinkaas lagaga bixi karo tahay xeer macquul ah oo saxaafadda loo diyaariyo si looga hortago dhibaatooyinka iyo tacadiyada warbaahintu la kulanto, dadkuna uga nabadgalaan gefefka iyo xad-gudubyada saxaafaddu gaysato.

Guddoomiyaha ururka qorayaasha iyo suxufiyiinta ee SSWJ Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe oo isna kulankaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka iyo duruufaha haysta saxaafadda, isagoo SONSAF ku ammaanay qabanqaabada ay ka gaysteen kulanka saxaafaddu isugu timi, waxaannu tilmaamay in loo baahan yahay sidii looga shaqayn lahaa diyaarinta xeer aan dhibaato iyo caqabad ku ahayn saxaafadda, kana hor imanayn xoriyatul-qawlka iyo madaxbannaanida warbaahinta Somaliland.

Guddoomiyaha ururka USJ Mr. Khadar Maxamed Cakule, Marwo Ayaan Cabdirisaaq oo ah madaxa mashaariicda ururka hablaha suxufiyiinta ah ee WIJA, Maareeyaha telefishanka qaranka Mr. Khadar Xasan Cali-Gaas, Agaasimaha telefishanka HCTV Mr. Maxamed Cabdi Ilig, Xuseen Cali Nuur, Maxamed Xasan Cali (Weji), Fasal Fadhfadhle oo ka mid ah odayaasha ruug-cadaaga ah ee saxaafadda oo iyaguna shirkaas hadalo kala duwan ka jeediyey, ayaa ku baaqay in wax laga qabto caqabadaha horyaal saxaafadda Somaliland, lagana shaqeeyo sidii loo kobcin lahaa aqoonta iyo xirfadaha saxaafadda.

Waxa kale oo ka qaybgalayaasha shirkaasi doodo iyo afkaaro kala duwan ka jeediyeen qodobada ajandaha u ahaa shirka arrimaha saxaafadda lagaga hadlay ee SONSAF qabanqaabisay, iyadoo halkaas laga sheegay in loo baahan yahay sidii loo diyaarin lahaa mac-hado lagu barto xirfadaha saxaafadda, iyadoo ururka SOLJA iyo SONSAF loo jeediyey tallooyin la xidhiidha qaabka lagu xallin karo dhibaatooyinka iyo duruufaha kala duwan ee horyaal saxaafadda.

Guddoomiyaha SONSAF Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo gunnaanadkii shirkaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan wax kasta oo dan iyo faa’iido u ah qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET