Daladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo lagu eedeeyey inay faro-gelin qaawan ku hayso Xorriyadda Saxaafadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta ee Somalilad, ayaa si adag u cambaareeyey  farogelin ay sheegeen in dalladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF ku hayso xoriyadda iyo madax-bannaanida Warbaahinta Somaliland.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed, ayaa lagu sheegay in daladda SONSAF ay faro-gelin ba’an ku hayso isla markaana ay kala qaybinayso sinnaanta iyo xoriyadda saxaafadda Somaliland.

War-saxaafadeedka ururka SOLJA ku cambaareeyey Daladda ururrada aan Dawliga ah ee SONSAF, ayaa u qornaa sidan:, “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo  ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa faro-gelinta qaawan ee  Ururka la baxay  Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee ka hawl-gala Dalalka aan dawladaha lahayn {Somaliland Non-State Actors Forum}  uu ku samaynayo  Xoriyada iyo xuquuqda uu u damaanad qaaday Dastuurka Qaranku Warbaahinta.

Sidaa darteed Ururka SONSAF isagoo u adeegaya  shakhsiyaad caan ku ah qalalaasaha iyo qulub-gelinta Saxaafada Somaliland, kuwaasoo shaqo maalmeed ka dhigta iska horkeenka iyo isku dhufashada Saxaafada Maxaliga ah, iyagoo ka dhex raadinaya derajooyin ama dhaqaale lagu siiyo, Ururka SONSAF waxa uu Saxaafada Somaliland ugu baaqay shir qarsoodi ah, kaasoo ay ku damacsan yihiin inay ku aasaan madax-banaanida Saxaafada Somaliland iyo xoriyada hadalka,iyagoo food saaro ka dhiganaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Warbaahinta Maxaliga ah iyo Hay’adaha  Dawlada (Xukuumada,GoleyaashaSharci Dejinta iyo Garsoorka). Hase-yeeshee kulankaas ulajeedadiisu tahay in lagu abuuro Xeer Saxafadeed cusub oo lagu cabudhinayo Madax-banaanida Saxaafada Somaliland iyo Xoriyada ra’yi dhiibashada  ee bulshada, balse suurtogalnimadiisa lagu qurxiyay ajendihiisa waxyaabo aan jirin oo lagu sheegay Is waraysi, Wadahadal Iyo Lafo-gur lala yeelanayo Saxaafada.

Ururka SONSAF oo sida magaciisa ku cad ah ka mid ah Ururada dalalka  reer galbeedku u abuuraan inay danahooda uga fuliyaan Wadamada aanay Dawladi ka jirin, sida; Koonfurta Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq iyo Kosovo, waxa uu dhaqaale quusan waa ah xakamaynta Saxaafada kaga soo qaatay Hay’ada Safer World,oo iyaduna dhaqaaalahaa kasoo dheegatay Ururka  Midawga Yurub (EU)

Haddaba ururka SOLJA isagoo si cad u qeexaya aragtidiisa ku aadan Shirqoolkaas iyo mawqifka uu ka taagan yahayShirkaasi waxa uu yahay;.

  1. In aanu marnaba aqbali doonin go’aamada iyo natiijada kasoo baxda, sidoo kalena waxa uu shirkaa u arkaa shirqool dhagaraysan oo Warbaahinta ka dhan ah.
  2. Waxaa uu ku boorinayaa Hay’adahs Warbaahinta Somaliland iyo Suxufiyiinta inaanay ku dagmin shirku sheegaa lagu xabaalayo madax-banaanida Saxaafada iyo xoriyada hadalka
  3. Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqaya Ururka SONSAF inay dib uga laabtaan shirkaa, hadiise ay ka dhego adaygaan fariintan waxay dusha ku  qaadi doonaan cawaaqibka arintaa ka dhasha
  4. Ururku digniin culus u dirayaa guud ahaan hay’adaha Samofalka Caalimaga ah inaan dhaqaalahoodu noqon mid lagu curyaamiyo xuquuqal insaanka iyo xoriyatul-qawlka Somaliland, kana digtoonaadaan in mashaariicda ku saabsan Saxaafada inay soo mariyaan Hay’ado iyo NGO aanay khusaynin.
  5. waxaa ururka SOLJA u dirayaa  hay’adaha maxaliga ee inay ka waantoobaan caadaysigafadhataysigs Mashaariicda Warbaahinta, balse haddii ay iska dhego-tiraan fariintan ay ku talo galaan jawaabta ku haboon ee Warbaahintu ka bixin doonto.

ALLA MAHAD LEH

Maxamed Cabdi Guuleed

Gudoomiye Kuxigeenka SOLJA

Maxamed Rashiid Muxumed Farax

Xoghayaha SOLJA